Bayern Munich Oo Ku Qososhay Warar Sheegaya Inay Dooneyso Cristiano Ronaldo

Kooxaha kubadda cagta Bayern  Munich ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay warar sheegaya inay doonayso weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo sheegay inuu ka tegayo Real Madrid.

Qoraal kooban oo Bayern Munich ay ku baahisay barteeda Twitterka ayay kus heegtay in warkaasi uu yahay been, isla markaana aanu ku jirin wax damac ah oo ay ku doonayso Ronaldo.

“Kama jawaabno wararka ku-tidhi-kuteenka ah” – ayay Bayern Munich ku tidhi qoraalkeeda.

Qoraalkan oo uu baahiyey Guddoomiyaha kooxda Karl-Heinz Rummenigge, ayaa waxa uu intaa ku daray: “Arrinta Cristiano Ronaldo, waxaanu doonaynaa inaanu caddayno inay tahay been abuur aan sal lahayn, waxaana waajib ah in lagu noqdo halkii laga alkumay.”

Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga loogu hadal-haynta badan yahay suuqa ciyaaraha kaddib markii uu shaaciyey inuu ka tegayo kooxdiisa Real Madrid oo uu saluugay siday u garab istaagtay markii dacwad la xidhiidha lunsi cashuur lagu soo oogay.

Ronaldo ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxaha Manchester United ama PSG, waxase sidoo kale jira warar sheegaya inay suurtogal tahay inuu ku negaado Real Madrid oo arrinkiisa la xallilo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rangers v Progrès Niederkorn, St Johnstone v Trakai – Isku Aadka Europa League Oo La Shaaciyey Iyo Wakhtiga La Ciyaarayo

Tababare Jose Mourinho Oo Dacwad Lagaga Soo Oogay Waddanka Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com