Bayern Munich Oo Walaac Weyn Ka Muujisay Khadkeeda Dhexe ee Sii Faaruqaya

Kooxda Bayern Munich ayuu ku sii siyaaday werwerka ka haysta dhaawaca soo gaadhaya xidigeheeda kadib markii uu soo baxay warka ciyaaryahanka khadka dhexe Shaqiri in Muruqu dilaac sameeyey.

Shaqiri ayaa bedel lagu saaray markii uu tahli waayay inuu sii wato kulankii Munich guuldarada 1-0 ka ahi ka soo gaadhay kooxda Augsburg Sabtidii.

Shaqiri ayaa seegi doona kulanka Champions League ee ay Bayern marti gallin doonto Manchester United dhaawaca soo gaadhay dartiis.

Dhaawacan la soo darsay xidiga reer Switzerland ayaa baasiin dab holciya ah ku noqonaya kooxda horyaalka Germany haysata oo awalba ay ka maqnaayeen halbawlayaasheeda khadka dhexe u xejin lahaa kulanka rubuc dhamaadka Horyaalnimada Yurub.

Xidigaha khadka dhexe ee Bastian Schweinsteiger iyo Javi Martinez ayaa ganaax kaga maqnaanaya halka uu Thiago Alcantara dhaawac u jiifay.

Bayern Munich, in kastoo ay haysato faa’iidada goolkii ay ku soo dhalisay Old Trafford kulankii 1-1 ka ku dhamaaday , hadana Goolwade Manuel Neuer waxa u muuqda mushkilada ay ku keeni karto kooxda , Ayaan daradan ku habsatay ciyaaryahanadii khadka dhexe .

“Waa mushkilad kale oo wararka nagu sii kordhinaysa ( dhaawaca shaaqiri) oo nasii niyad jabinaysa markaan eegno xaaladaan ku suganahay,” ayuu Neuer ku sheegay war lagu daabacay boga rasmiga ah ee naadiga.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Waa Kuma Ciyaaryahankan Maalqabeenka ah Ee Saacadaha Dahabka Iyo Dheemanta Ka Samaysan Ku Baahiyey Inter-netku (Daawo Video)

Zabaleta Digniin : Manchester City Waa Inaanaan Xataa Barbar dhac Ka Ogolaan Liverpool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com