Jurgen Klopp Oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Kulanka Real Madrid

Jurgen Klopp oo rajo xumoTababaraha kooxda Borussia Dortmunda Jurgen Klopp ayaa rajo xumo ka muujiyey kulanka kooxdiisu la yeelan doonto Real Madrid oo ay habeennimada Khamiistu soo gelayso ku kulmi doonaan garoonka Bernabeu ee Real Madrid.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisu ay isku dayi doonto inay natiijo fiican ka hesho kulanka Bernabeu  taas oo uu xusay inay ka caawin doonto inay si fiican u ciyaaraan kulanka lugta labaad oo ka dhici doona dalka Jarmalka.

Tababare Klopp wuxuu xusay in kooxaha booqda garoonka Bernabeu ay mushkilad kala kulmaan qaab-ciyaareedka Real Madrid, waxaanu yidhi “waxa na soo food-saartay mushkilad dhinaca Line Up-ka ah, dhamaanna waala ogyahay midaas laakiin waxaa jira kooxo kale oo booqday Bernabeu kuwaas oo mushkilad kala kulmay”

Jurgen Klopp oo lawaydiiyay awooda kooxdiisa ay u leedahay ka adkaato Real Madrid oo ay u gudubto wareegga Semi Final-ka, ayaa ku jawaabay “Waxaa habboon in aannu Bernabeu kula ciyaarno qaab-ciyaareedkayaga caadiga ah, Real Madrid ayaa u sharaxan inay u soo baxdo Semi Final-ka Champions League taasina waa wax la hubo, laakiin waxaannu isku dayi doonaa inaanu kasbanno natiijo fiican oo noo suurtogelin karta in aanu gaadhno Semi Finalka kulanka lugta labaad, waxa ugu horreeya ee aannu hadda samaynaynaa waa in ciyaartoygu ay nastaan waayo kulankii Stuttgart aad ayey u daaleen”.