7:28 pm - Friday August 18, 2017

Bayern Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Saxafiyiin Ingiriiska Ah Oo Aflagaadeeyey Schweinsteiger

Aidarous

Bayern Munich ayaa ka mamnuucday laba suxufi oo ka howl galla laba joornaal oo ka soo baxa Ingiriiska,  daawashada kulanka lugta labaad ee horyaalka Champions Leagu  oo garoonka Arena  ku marti gallin doonaan Mancheser Unitedhave, kadib markii ay daabaceen qormooyin ay si qaawan ugu aflagaadeynayaan xidiga  Bastian Schweinsteiger

Jaraa’id ka The Sun iyo The Daily Mirror ayaa bogooda hore ku daabacay ciyaartii United iyo Munich ee casaanka la siiyey xidigan khadka dhexe, qoraalo ay cinwaan uga kala dhigeen  “You dirty Schwein” iyo “You Schwein” oo ah luqada Garmalka , macno ahaana noqonaysa ‘Doofaar’.

Bayern ayaa intaas kadib ku eedaysay ‘ficilo ixtiraam daro ah, kana fog, shuruucda, qawaaniinta iyo xurmada qofku mudan yahay.’, sidaas darteedna aanay u ogolaan doonin midkoodna labadan wariye inuu soo xaadiro is araga labaad ee todobaadka dambe ay labada naadi isku haleelayaan Allianz Arena.

Qoraal rasmi ah oo ay baahiyeen, waxay Bayern ku codsatay in xidhiidhka Yurub looga fadhiyo , talaabadii ay ka qaadi lahaayeen shaqsiyaadka ku xad gudbay anshaxa , kuna dooday in falkani ka xun yahay, boodhkii aflagaadada ahaa ee taageerayaasheedu soo bandhigeen Kulankii Arsenal , kaasi oo ganaaxii lagu soo rogay yahay mid horyaala.

“FC Bayern Munich aqbali mayso hanaanka wartabineed ee noocaas ah, si weyna waanu u dhaleecaynaynaa.” ayaa lagu yidhi qoraalka ay baahisay kooxdu.

Qoraalka oo dheeraa, ayaa waxa kale oo lagu yidhi:  “Uefa waxay iclaamisay “Qadarin’ RESPECT” lagaga qayb gallo tartanka Champions League – olalaha arintaasina uu yahay mid si weyn loogu fidiyey guud ahaan qaarada Yurub. Ciyaaryahan kastaana wuxuu xidhaa funaanad ay ku qoran tahay kulan kasta markay soo gallayaan garoonka iyo munaasibadaha kale ee muihiimka ahba, tartankana waxaa laga mamnuucay fal kasta oo arintaas ‘RESPECT’  ka hor imanaya.

.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
3/5 - 1
You need login to vote.

Qaar ka mid ah Taageerayaasha kooxda Chelsea oo si Yaab leh u fasirtay wixii uu sameeyay wiilkooda Eden Hazard kulankii Xalay

Madaxwaynaha Barcelona Oo Ka Cabaaday Xayiraaddii FIFA, Sheegayna In Carruurta Ay Soo Qafaalan Jireen Muddo 35 Sannadood

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: