Bayern Oo Xod-xodanaysa Xidiga Mustaqbalka Ifaya Leh Ee Adnan Januzaj

Kooxda horyaalnimada Yurub iyo Kan Bundesligahaba difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa diirada ku haysa da’yaraha kooxda Manchester United ee Adnan Januzaj oo ay damacsan tahay inay heshiiskiisa ka rux-ruxato kooxda Ingiriiska ah.

Bayern oo caawa dagaal ku dhex mari doono garoonka Old Trafford naadiga Manchester United, is araga koobaad ee rubuc dhamaadka tartanka horyaalka Yurub, ayaa qiimayn doonta qaab ciyaareedka iyo wax soo saarka laacibka 19 jirka ah ee Januzaj oo wacdaro la soo baxayay maalinba maalinta ka dambeysa , tan iyo intii uu ku soo biiray kooxda heerka koowaad xagaagii hore.

Munich oo qiimaynaysa Adnan Yaraha United 1Naadiga Paris St Germain ayaa hungo ka qaaday dalabka ciyaaryahankan ay ku doonaysay oo ay United soo gaadh siisay bilowgii xili ciyaareedka , waxaanay kooxda shayaadiinta dharka cas lihi nidar ku martay inaanay aqbali doonin codsi kasta oo lagu doonayo xidigeeda mustaqbalka ifaya ku leh kubada cagta.

Xidigan u dhashay wadanka Belgium-ka ayaa isna qalinka ku duugay shan sanno oo heshiis ah oo uu la gallay kooxda Manchester bishii October , iyadoo uu Tababare David Moyesna hoosta ka xariiqay waxa uu ka aaminsan yahay Januzaj iyo inuu safka hore kaga jiro qorshaha mustaqbalka ee uu ku dhisayo naadiga Man United.

Munich oo qiimaynaysa Adnan Yaraha United 2Bayern Munich ayaan wali laga haynin wax dalab ah , laakiin sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo ilo wareedyo la rumaysan karo , ayaa tilmaamaya in damaca Munich uu yahay Mid xoog ah.

Kooxda Munich ayaa dhinaca kale la sheegay inuu liiska doonista safka hore uu ugu jiro laacibka kooxda Chelsea ee David Luiz.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Haddii Barca Guulaysato sababtu waa Garsoorka, Haddii aanu guuldaraysanona sheeko way xidhan tahay’ – Alves Oo Raadinaya Sabab !

Xidig Da’Yar Oo Reer BELGIAM Ah Oo Ay Ku Loolamayaan Kooxaha MAN UNITED Iyo CHELSEA

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com