“Bayern Waxay Noqon Doontaa Mid Aan La Daawan Karin Sida Barcelona” – Beckenbauer

Franz BecenbourHalyeygii hore ee xulka Qaranka Garmalka iyo Naadiga Bayern Munich ,  Franz Beckenbauer ayaa dhaliilay qaab ciyaareedka tababare Pep Guardiola uu ku hogaamiyo naadiga , kaas oo uu sheegay inuu aakhirka ka dhigi doono ‘Munich mid aan la daawan karin sida Barcelona.’

Kooxda Bayern Munich ayaan ilaa hada laga badinin horyaalka Bundesliga , intii uu maamulayay tababarahan Spanish-ka ahi, kana mid ah sideeda kooxood ee isugu soo hadhaya horyaalka Yurub , rubuc dhamaadna ku sugan koobka DFB-Pokal.

Hadana sidaas oo ay tahay, qaab ciyaareedka kooxdu ma soo jiidanin , difaacyahankan xulkii khatarta ahaa ee West Germany ka soo midka ahaa, waxaanu rumaysan yahay in kubada ay celceliyaani aanay ahayn mid faaiido dhasha.

“Ugu dambeynta , waxaanu noqonaynaa kuwo aan la daawan Karin sida Barca, waxay kubada u dhiibaan dhinaca dambe ee aan xaga goolka ahayn.”ayuu ku yidhi Sky Sport.

“Aniga aragtidaydu taas waa ka duwan tahay, haddii aan haysto fursad banana oo aan goolka ku toogan karo, khaas ahaan marka xaga goolka la isku cidhiidhyo, waan ka faa’iidaysanayaa. Waa habka ugu faa’iidada badan.”  Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Franz Beckenbauer.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Falcao Wuu Ka Qayb-gallayaa Ciyaaraha Koobka Aduunka : Dhakhtarka Qalliinka U Sameeyey

Hanjabaadii Nasri iyo Kompany oo Beenoobay Iyo City Oo Laga Reebay Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com