5:43 pm - Thursday July 27, 2017

Bayern wey ku kalsoon tahay inay ka aarsanayso Madrid – Neuer

Aidarous

Gool hayaha kooxda Bayern Munich, Manuel Neuer ayaa kalsooni buuxda ku qaba in kooxdiisu ka aarsan karto Real Madrid isla markaana ay awood u leedahay gaadhista ciyaarta kama dambeysta ah ee horyaalka Champions League.

Kooxda reer Spain ayaa 1-0 kaga badisay Munich kulankii hore ee la joogay garoonkooda Bernabeu, goolkaas oo uu ka dhaliyey Karim Benzema, iyadoo labada naadi caawa u ballan san yihiin ciyaartii is araga labaad.

Si kastabase ha ahaatee, Neuer ayaa rumaysan in khibrada kooxdiisu u leedahay gaadhida Finel ku ay ka caawin doonto karbaashida kooxda tababare Carlo Ancelotti, kaas oo ku guuldaraystay saddexdii xili ciyaareed ee u dambeeyey inuu dhaafo kaalinta Semi finelka.

“Waxaanu haysanaa hubkii sida fiican aanu ugu burburin lahayn, waanan ku kalsoonahay dhinacayaga,” ayuu goolwaduhu ku yidhi wargeyska Bild.

“Saddex jeer ayaanu ku soo baxnay Semi finelka dhowrkii sanno ee u dambeeyey waxaanan aaminsanahay in gaadhida finel ka ee sanadkana uu guul noo horseedi doono.

“Waxaan maanka ku haynaa inaan kooxo waaweyn halkan ku garaacnay, inta badan waliba intaanu shabaqayaga ka ilaashanay aanu koodana dhowr gool ka dhalinay. Taasaa naga dhigtay kuwo dhiiran. Waxaanu rumaysanahay inaanu Lisbon ka degi doono.”

Ciyaarta Bayern iyo Madrid ku dhex mari doonta garoonka Aliez Arena ayaa bilaabmi doonta caawa fiidkii saacada geeska afrika markay tahay 9:45 pm.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Del piero oo ka dhaqaajiyey Sydeny, xaguu ku sii jeeda

Arda Turan : Atletico waxa ka go’an Inay Finel ka CL u gudubto

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: