3:16 pm - Tuesday January 20, 7615

BBC Oo La Kala Daadin doono Kulanka Clásico

294 Viewed Aidarous Comments Off on BBC Oo La Kala Daadin doono Kulanka Clásico

Saddexda laacib ee Bale, Benzima iyo Cristiano Ronaldo ayaan fursad isku heli doonin kulanka Barcelona ee 22-ka bishan ka dhici doona garoonka Camp Nou.
Ma sii ahaan doonaan dookha koowaad ee Carlo Ancelotti, laakiin kubadda cagtu layaab malaha waxaana mar walba soo baxa wax cusub. Tababarahan Talyaaniga ah ayaa qiray in aanay lama taabtaan sii ahaan doonin hadda. Waxa uu door bidayaa in uu beddelo shaxdiisa oo uu ku ciyaaro afar dhex ah oo uu khadkiisa ku soo kordhiyo ciyaarto kale safkiisa dhexe, weerarkiisana uu ka tuuro mid si uu dib ugu soo celiyo dheeli-tirkii, isla markaana ay u saxmaan khaladaadkii iyo saluuggii badnaa ee laga muujiyey kooxdaas.
Isagoo ka duulaya guul-darradii Schalke, waxa caddaatay in kooxdu u baahan tahay in si dhab ah loo toosiyo, waa in shaxda kooxda lagu celiyo sidii caadada u ahaan jirtay Real Madrid ee 4-4-2 ee ay sannadkii hore guulaha ku gaadhay.
Gareth Bale ayay tani saamayn doontaa, kamana mid noqon karayo afarta khadka dhexe, xal kale oo kooxdaasi dhibaatadeeda ku xallin karaysaana ma jirto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Thiago Silva: Mourinho Waa Bilaa ixtiraam

Xaaskii Hore Ee Ronaldo Oo Saygeeda Hore Ku Tilmaantay Nacas Aan La Aamini Karin, Dumarka Xaqira Oo Dhaqanka Carruurta Leh

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com