1:17 pm - Saturday June 24, 2017

Bebeto Oo 20 Sanno Kadib Sameeyey Dabaal Daggii Xusuusta Reebay Ee 1994-kii

Aidarous

Halyeygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Bebeto ayaa ku celiyey mar kale  hanaan dabaal degeed oo uu sameeyey labaatan sannadood ka hor, isagoo ugu dabaal dagaya markan, labaatan guuradii ka soo wareegtay maalintii uu dhacdadan sameeyey oo ahayd dhalashadii wiilkiisa imikana kula  aabihii la dabaal degayay.

Maanta - Bebeto, Wiilkiisa iyo gabadh kale oo xusaya dhalashada Olievera

Maanta – Bebeto, Wiilkiisa iyo gabadh kale oo xusaya dhalashada Olievera

 

Bebeto oo dabaal degayaBebeto ayaa gool ka dhaliyey xulka qaranka Holland, ciyaar ka tirsanayd tartankii koobka aduunka ee sanadkii 1994 kii lagu qabtay USA, waxaanu dabaal-degii goolkaas darteed orodkii ku daray, isagoo labadiisa gacmood xagiisa hore geeyey , iskuna dhejiyey , isla markaana kolba dhinac u kexeeyey sidii oo uu ilmo markaas dhashay ciyaarsiinayo.

BebetoWaxay ahayd dhalashadii wiilkiisa Mattheus Oliveira oo maalintaas u dhashay , sababta uu debaal-degga noocaas ah u sameeyey, maanta oo uu 20 jirsadayna , waxay innanka, aabihii iyo gabadh kale sameeyeen isla sidii uu goolkaas ugu dabaal degay oday Bebeto, 1994 kii.

Bebeto oo la dabaal degaya qaar kamid ah xulka Brazil

Oliveira oo ah 20 jirka uu dhallay Bebeto ayaa ah laacib ka tirsan kooxda Flamengo ee wadanka Brazil , waxaanu afar jeer u ciyaaray xulka qaranka Brazil ee 20 jirada ka yar.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ribery Oo Koobka Aduunka Ka Hadhay & Schneiderlin Oo Xulka France Lagu Soo Daray

Thiago Silva : Messi Waxa Lagu Hor Istaagi Karaa Kaliya Qori Caaradii

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: