Beckenbauer : ‘Bayern Waxay U Ciyaartay Sidii Ay Kiniinka Hurdada Liqday’

Madaxweynaha kooxda Bayern Munich, Franz Beckenbauer ayaa u qaadan waayey qaabkii ay u ciyaareen laacibiinta Bayern kulankii Champions League ee ay FC Porto ku garaacday 3-1.

Arbacadii ayay FC Porto ku martigelisay Bayern Munich garoonkeeda Estadio do Dragao, waxaanay ciyaartu tobankii daqiiqo ee ugu horreeyeyba maraysay 2-0 ay leedahay Porto, waxaana Franz Beckenbauer uu sheegay in ciyaartooyada Bayern Munich la moodayey in ay liqeen kiniinka hurdada.

Franz Beckenbauer oo ah madax-weyne sharafeedka kooxdaas, ayaa waxa uu soo bandhigay dareen cadho leh oo ka qaaday ciyaartaas, waxaanu xusay in xili-ciyaareedkan aanay kooxdu ku tartami karin Champions league haddii aanay is-aragga labaad ee Salaasada soo socota aanay wax iska beddelin ciyaartooyadu.

“Waxay ahayd maalin aad u xun, dhamaan ciyaartooyaduna may soo bandhigin ciyaartii dhabta ahayd. Mararka qaarkood waxaad is odhanaysay, difaaca bidix si fiican uma ciyaarayo ama goolwadaha ayaa khalad sameeyey laakiin ciyaartan dhamaan ciyaartooyadu may jirin.” Ayuu yidhi Franz.

“10 daqiiqo markii ay ciyaartu socotay, waxay ahayd 2-0 iyadoo la ciyaarayo Rubuc-dhamaadka Champions League, markaa khalad bdan ayaa la sameeyey, tan oo kalena weli maan arg. Waxaan u maleeyey in ciyaartooyadu ay soo liqeen kiniinkii hurdada. Porto ayaanaga dheeraynaysay, awood badnayd, waanay iga xanaajisay ciyaartu.” Ayuu raaciyey.

Bayern Munich waxay garoonkeeda ku martigelin doontaa FC Porto salaasadan, waxaana looga baahan yahay in ay ku badiso ugu yaraan 2-0.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Mario Balotelli Oo La Kulmay Cunsuriyad & Caydii Ugu Badnayd Iyo Rodgers Oo Difaacay

“Film Inaan Daawado Ayaan Ka Jecelahay Daawashada Barca” – Ancelotti

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com