6:40 pm - Monday August 21, 2017

Belgium Oo U Gudubtay Wareega 16 Ka Ruush-kana Boodhka Ku Qastay

Aidarous

Gool uu dhamaadkii ciyaarta u dhaliyey laacibka bedelka ku soo gallay ee Divock Origi ayaa u suurto galliyey xulka Belgium inay dhabar jabiyaan xulka Russia oo ciyaartii tan ka horeysayna barbaro lagu soo qabtay, waxaanay sidaas ugu gudbeen Hazard iyo xulafadiisu wareega 16 ka ee Koobka aduunka.

Xulka Belgium ayaa sidaas ku leh 6 dhibcood , maadaama ay ciyaartii Furitaanka ee Group ka H , South Korea ka adkaadeen, waxaana iyaguna min dhibic leh xulalka Russia iyo Algeria oo is barbareeyey ciyaartoodii furitaanka.

Mardhowna waxaynu sugi doonaa Natiijada kulanka Algeria iyo S.Korea  mida kaalinta labaad buuxin doonta.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sulley Muntari Oo Fuqarada Reer Brazil Lacag U Qaybiyey ( Video )

Algeria Oo Kabaha La Dulmartay S.Korea Qarkana U Saaran Inay 16 Ka U Gudubto

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: