1:30 pm - Wednesday June 28, 2017

Benfica oo soo afjartay Riyaddii Juventus ee Europa League

Aidarous
Juve oo Turin ku kuftay

Benfica ayaa u gudubtay Finelka horyaalka Europa League sanadkii labaad kadib markii ay iyagoo hal ciyaaryahan la dheer yahay ay ku qabatay barbaro 0-0 kooxda Juventus oo gurigooda lagu ciyaarayay is aragii labaad, celceliskuna noqday 2-1 (2-1 aggregate win).

Kooxda Talyaaniga ah ayaa u baahnayd gool qudha si ay isaga xaadiriso ciyaarta gunaanadka laakiin ku guuldaraysatay oo ku khalkhashay difaaca dhisan ee naadiga Benfica.

Juventus ayaa ka faa’iidaysan kari wayday tiiyo waliba laba ciyaaryahan casaanka laga siiyey Benfica oo kala ah Enzo Perez iyo Lazar Markovic, laakiin sidoo kale Jiventus ayuu casaan ka qaatay Mirko Vucinic, sidaas oo ay tahay Naadiga Juventus in ku dhow nusasaace ayay kula ciyaarayeen nin dheeri hadana ay ka faa’iidaysan waayeen.

Naadiga Benfica ayaa todobaadkii hore Juve ku soo garaacay garoonkooda kagana soo badiyey 2-1 , guushaas ay gurigooda ku gaadheen ayaana u horseeday Naadiga Portuqiiska ah inay u gudbaan kulanka Finel ka ah oo isla xallay ay sidoo kale Sevilla oo si mucjiso ah u reebtay Vallencia ay u baxday.

Ka Sokow casaanka Enzo qaatay , ee uu ku seegayo ciyaarta Sevilla ee Finelka , waxaa sidoo kale ka maqnaan doona ciyaartaasi kooxda Benfica oo ay tabi doontaa ciyaaryahanka difaaca ee Ezequiel Garay oo dhaawacmay ciyaartii xallay ee Juve.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Rui Faria Oo Xayiraad 6 Kulan Ah Garoomada Laga Saaray

Xafladayn-Stephane-Mbia-oo-sababay-inay-damaashaadaan-Sevilla-kadib-markii-uu-u-dhaliyey-Goolka-Finelka-Europa-League-u-horseeday.jpg

Sevilla Oo Ku Gaadhay Finelka Europa League – Gool Mbia U Dhaliyey Daqiiqadihii Lagu Daray Ciyaarta Iyo Amakaagii Vallencia Qabsaday Xallay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: