Benitez wuxuu u baahan yahay inuu baruurta iska rido- Ferrero

Mulkiilaha naadiga Sampdoria ee Massimo Ferrero ayaa sheegay in Rafael Benitez ay la gudboon tahay inuu miisaanka ama barruurta iska rido haddii uu doonayo inuu kooxdiisa shaqo ka siiyo.

Tababaraha Napoli ayaa la isla dhex marayay inuu ka tagayo kooxdaas marka xili ciyaareedkani dhamaado, maadaama uu burburay wadahadalkii naadiga u socday.

Waxaanu mulkiilaha Sampa ku nuux nuuxsaday inuu jeclaan lahaa inuu kooxda tababare uga dhigo macalinka reer Spain, waa haddii uu kooxda ka tagayo tababaraha wakhti xaadirkan ee Sinisa Mihajlovic.

“Waan qaadan lahaa Benitez, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan arko isagoo baruurta iska ridaya marka koobaad,” ayuu ku yidhi Radio Crc. “Haddii Mihajlovic naga tago, Hore ayaan u diyaarsanay cidii aanu ku bedeli lahayd. Warbaahinta uunbaa sheegaysa inuu naga tagayo, laakiin arintaas wax kale oon ka ogahay ma jirto.

“Ilaa inta aan ka warqabana waa inuu kooxda la joogayo. Haddii uu naga baxo, Waan garanayaa cida aan ku bedelayo. Tababaraha Basel ee Paulo Sousa ma noqon doono tababaraha xiga ee kooxda Sampdoria, waxaa noqon doona jilaaga qosolka ee Lino Banfi.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real oo ugu gudubtay semi Finalka Champions League gool Uu Dhaliyey Ciyaaryahanka Kaydku Daashaday ee Hernandez

“Barca 3 daba way isku darsan kartaa” Abidal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com