Benzema Oo Hor Tegaya Maxkamad Laga Yaabo Inay Xadhig Ku Xukunto

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku khasban inuu hor tago maxkamad ku taalla waddanka France oo uu ka socdo kiiska fadeexad la xidhiidha cajalad foolxumo ah oo laga duubay Valbuena, kaddibna lagu khasbay inuu bixiyo lacag si aan loo faafinin.


Benzema oo ku eedaysan inuu lug ku leeyahay cajaladda la duubay iyo lacagta baadda ah ee la weydiiyey Valbuena ayaa hor tegaya maxkamadda, kaddib markii laga diiday rafcaan uu qaatay.

Jimcihii ayuu Benzema bartiisa Instagram ku qoray in aanu haynin wax tafaasiil dheeraad ah oo aan ahayn intii uu hore ugu sheegay maxkamadda.

“Daacad ayaan ahay, ma hayo wax kale oo aan sheego.” Sidaas ayuu bartiisa ku qoray.

Maxkamadda oo aan wali la shaacinin wakhtiga ay dacwadda gunaanadi doonto, ayaan la ogeyn xukunka ku dhici doona Benzema iyo rag kale oo uu ku jiro Djibril Cisse oo kiiska xagga dambe kaga soo biiray.