Benzema Oo La Dhigay Cusbitaal Ku Yaalla France

Benzema

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa u duulay magaalada Lyon ee dalka France si looga daweeyo dhaawac jilibka ah oo uu la jiifay laba toddobaad, kaas oo u diiday in uu ciyaaro kulankii Arbacadii ee Atletico Madrid ee Champions League iyo Malaga ee La Liga.

Xiddigan ayaa khamiistii u duulay magaalada Lyon  oo ah halkii uu ku dhashay waxaanu kula kulmi doonaa doctor Bertrand Sonnery-Cottet oo khabiir ku ah dhaawaca jilibka. Kooxda caafimaadka ee Real Madrid ee la tacaalaysay xaaladda ciyaartoygan ayaa ogolaaday in xiddigan reer France uu u duulo Lyon.

Dhakhtarka gaarka ah ee dhaawacyada Jilbaha u qaabilsan Real Madrid ee Olmo ayaa jimcaha maanta ka daba tegaya Benzema, waxaanu la socon doonaa sida ay xaaladdiisu tahay.

Benzema ayaa markiiba la dhigay Jean Mermoz Hospital oo ah dhakhtar aqoonsi ka haysta FIFA oo daaweyntiisana lagu kalsoon yahay, waxaanu Benzema ku jiri doonaa cusbitaalkaas illaa Isniinta, iyadoo ay halkaas ku daryeeli doonaan qoyskiisa, iyo dhakhtarkiisa koowaad Sonnery-Cottet.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Scholes Oo Siiyey Hazard Talo Uu Kula Tartami Karo Messi Iyo Ronaldo

Lionel Messi: “Saaxiibkayga Ugu Wanaagsan Waa Dani Alves”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com