Benzema Oo Raali Gallin Ka Bixiyey Masiibadii Madrid

Weeraryahanka naadiga Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka raali galliyey taageerayaasha kooxda ayaan daradii ka qabsatay garoonka Vicent Caldaron kadib markii Ateltico ku xasuuqday 4-0.

Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa afaj jeer oo kaliya isku dayday inay weerar ku ekayso goolka Atletico – taas oo ah weerarkii ugu tirada yaraa ee ay ciyaar sameeyaan dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkan – iyadoo goolal ay dhaliyeen Tiago, Saul, Antoine Griezmann iyo Mario Mandzukic ay u horseedeen Atleti guushoodii afraad ee shantii ciyaarood ee u dambeeyey ee ay Real iska horyimaadaan.

Waxaanu Benzema ku canaantay ciyaaryahanadiisa inay hore u socdaan oo aanay saamaynin niyad jabka ciyaartan darbiga ahayd, waxaanu xasuusiyey xidigaha ay iska garab ciyaaraan in wali hogaanka gacantooda ku jiraa uu macnihiisu yahay inay wali yihiin Awoodii horyaalka Spanishka.

“Waxaanu ka raali gallinaynaa taageerayaasha Real Madrid maxaa yeelay dhibaato ayay dareemeen. Masiibaa maanta nagu dhacday. Nasiib wanaag tani waa dib u dhac kale oo laga kaban karo. Wey adag tahay inaanu si ka xun u ciyaarno mar dambe sidii ciyaartan oo kale,” ayuu yidhi.

“Hadal nooma banaana kadib 4-0. Waxay noo ahayd ciyaar aad u xun anaka, laakiin waxaanu haysanaa todoba cisho oo aanu dib uga fikiri karno, iska ilaaba natiijadan oo hortiina eega iyo inay idin sugeyso Deportivo. Wali waxaynu ku sugnahay figta ugu saraysa innaka ayaanay inagu xidhan tahay.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

“Waxay noqon kartaa 30 kii daqiiqo ee ugu xumaa ee Real Ciyaarto”

Koobka Afrika Iyo Caawa: Ammaanka Oo Aad Loo adkeeyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com