Benzema: Waan Ku Guuleysan Karaa Xiddiga Adduunka

Karim Benzema ayaa ku hamiyeya in uu xiddiga adduunka kala wareego laacibka ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo oo ahaa xiddiga adduunka labadii sannadood ee ugu dambeeyey, iyadoo afar jeer oo ka horreeyeyna uu ku guuleystay Lionel Messi, kuwaas oo intii ka dambaysay sannadkii 2007 oo uu abaalmarinta Ballon d’Or qaatay Kaka, intii ka dambaysay oo dhan ay kala qabsanayeen CR7 iyo Messi.

Benzema ayaa ku kalsoon in abaalmarinta xiddiga dunida ee Ballon d’Or uu ku guuleysan doono haddii uu joogteeyo guulaha uu kooxdiisa u horseedayo.

“Haddii aan sii wado in aan ku guuleysto koobab, mustaqbalkana waxa xigi doona abaalmarinta (xiddiga dunida).” Sidaas ayuu yidhi Benzema oo u warramay Le Parisien.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Benzema yidhi: “Waxaynu haysanaa Ronaldo iyo Messi, oo ah labada ciyaartoy ee dunida ugu wanaagsan. Waynu ognahay, in aanan gaadhi karin 80 ama 100 gool xili-ciyaareed kaliya, laakiin iyagu ay gaadhi karaan.

“Laakiin, waxa jira ciyaartooyo kale oo u qalma, waxay iga dhigi karaan shanta u sarraysa, mase garan karayo.”

Benzema waxa uu sheegay in ay suurtogal tahay, in uu ku biiro kooxda reer FRANCE ee Paris Saint-Germain, waxaana uu digniin siiyey Barcelona oo uu u sheegay in PSG ay awood u leedahay in ay garaacdo marka ay isaga hor yimaaddaan Champions League badhtamaha bisha soo socota.

“PSG waa koox wanaagsan, waanay ku adkaan doontaa Barcelona, sababtoo Paris Saint-Germain waxa la ogyahay in ay kor u qaadday heerkeedii Champions League, waanay ku adkaan doontaa Barca, PSG-na waxay leedahay fursado badan oo ay ku soo bixi karto.” Sidaas ayuu yidhi.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kroos Oo Si Kulul U Canaantay warbaahinta Spain

James Milner Oo Beddelaya Steven Gerrard

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com