Berbatov: Waxaan doonayey in aanu goolal badan ka dhalino Arsenal

Dimitar Berbatov waxay xalay u ahayd habeen farxadeed, waxa uu ku naalloonayay kubbad degan iyo isku-kalsooni uu saamaxday in uu burburiyo difaaca Arsenal, inkasta oo ay kooxdiisu ku garaacday Gunners 1-3, haddana waxa uu dareensan yahay in ay ahayd in goolal intaa ka badan ay ka dhaliyaan Arsenal, kooxdiisana reer France ee Monaco-na ay ku noqoto dalkeeda iyadoo ceebaysay Arsenal.

Monaco Oo Arsenal ku Dumiday Emirates 13Laacibkan caalamiga ah ee u dhashay wadanka Bulgaria waxa uu kooxdiisa Monaco u dhaliyey goolka labaad qayabtii dambe ee ciyaarta, waxaanu laacibkan hore ee Manchester United iyo Tottenham uu qiray in aanay cidina filaynin wixii xalay dhacay.

Berbatov oo u warramay Sky Sports ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Cidina may filaynin arrintan run ahaantii, laakiin annagu awooddayada waanu ku kalsoonahay, waananu u qalanay in aanu guuleysanno.

“Arsenal waa koox wanaagsan laakiin maanta annaga ayaa dooneynay in aanu guuleysano intooda in ka badan. Waanu dagaallamaynay garoonka meel kasta, xafiiltanka annagaa kaga gacan sarraynay oo goolalna dhalinay. Kubadda cagtu waa gool dhalinta uun, maantana annaga ayaa saddex dhalinay oo guusha qaadanay.” Ayuu yidhi.

Xiddiga hore ee Manchester United waxa uu digniin u diray ciyaartooyada kooxdiisa oo uu u sheegay in aanay ciyaartu wali dhamaanin balse ay ka digtoonaadaan kulanka dambe ee ay Arsenal ku martigelin doonaan Faransiiska.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Jawaabta Simeone Ka Bixiyey Guul-darradii kooxdiisa: “Way nagaga darnaan gaadhay”

Damaashaadkii Lionel Messi Iyo Qoyskiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com