Booliska Turkey Oo Xidhay Laba Qof Oo Lagu Xidhiidhiyey Rasaastii Fenerbahce

Ciidamada Booliska wadanka Turkey ayaa xabsiga u taxaabay laba qof oo looga shakisan yahay in ay fuliyeen rasaas Sabtidii lagu weeraray bas ay saarnaayeen ciyaartooyada kooxda ka dhisan caasimadda Istanbul ee Fenerbahce.

Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay booliska Turkey oo lagu sheegayo xadhigga nimankan iyo macluumaadka rasmiga ah ee eedayntooda loo hayo, hase yeeshee booliska dalkaas ayaa baadhitaanno uu waday afartii maalmood ee u dambeeyey waxa la sheegay in ay uga soo baxday shakhiyaad la tuhmayo, kuwaas oo labadan ragga ah ee la xidhay ay ka mid yihiin.

Falkan toogashada ah oo dhacay Sabtidii ayaa waxa ku dhaawacmay dirawalkii baska ay saarnaayeen ciyaartooyada Fenerbahce oo ku sii jeeday garoonka diyaaraha ee Tabzon kadib markii ay 5-1 ku garaaceen kooxda Caykur Rizespor oo garoonkeeda lagu ciyaarayay.

Xidhiidhka kubadda cagta ee wadanka Turkey ayaa si ku-meelgaadh ah u joojiyey dhamaan ciyaaraha dalkaas muddo toddobaad ah.

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ciyaartoy Ka Tirsanaa Xulka Qaranka Koonfur Afrika Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi

VIDEO: Danilo oo Porto Gool u Dhaliyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com