Borussia Dortmund Oo Madaxa La Soo Kacday Dhulkana Jiid-jiiday Schalke

Borussia Dortmund ayaa wali haysa jidkii soo kabashada ciyaartii afraad oo xidhiidh ahna guuleysatay horyaalka Bundesliga oo ay tii u dambeysay 3-0 ku khaarajisay Schalke.Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04

Kadib markii ay sida daadka ugu fataheen, khalkhal iyo jah wareer badanina ku dhacay goolwadaha kooxda Schalke ee Timon Wellenreuther, oo khaladaadkii uu sameeyey hadana ay u suurto galli weyday inay gool ka dhigaan, aakhirkii Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka gudbay deyrkii ama xayndaabkii gool la’aanta oo ku hubsaday shabaqa daqiiqadii 78 aad ee qaybtii dambe ciyaarta, daqiiqado kooban kadibna waxaa labeeyey Henrikh Mkhitaryan oo dhaliyey goolka niyada guusha sii laban laabay.Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04 - 1

Marco Reus ayaa isna magaciisa ku qoray goolka saddexaad ee Dortmund ku soo af meertay guusha ay ka gaadhay kooxda ficiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Schalke 04 oo ciyaarahooda loo yaqaan Darbiga Germany ee Dhexe.Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04 - 2 Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04 - 6 Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04 - 5 Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04 - 4 Borussia Dortmund 3-0 Schalke 04 - 3

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zinedine Zidane Oo Tibaaxay In Real Madrid Iibsanayso Paul Pogba

Suarez oo sii wadda wacdarihii Guul fududna u gacan gelliyey Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com