Breaking News : Louis Van Gaal & United Oo Heshiis Hordhac Ah Kala Saxeexday Iyo Tababaraha Cusub Oo Dalbaday Kluivert Inuu Ku Xigeen U Noqdo

Warbaahinyta wadanka Holland ayaa xaqiijisay in Louis van Gaal iyo kooxda Manchester United uu dhex maray heshiis la iskuna raacay wakhtiga iyo xiliga uu shaqada bilaabayo tababaraha cusubi.

Sida aanu ka soo xiganay jariidada Holland ka soo baxda ee De Telegraaf, tababare Van Gaal, ayuu wargeysku tilmaamay inuu dalbaday weeraryahankii hore ee xulka Holland ,Patrick Kluivert inuu u noqdo ku xigeen.

Jaraa’id ka Sportsmail ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska ayaa qoray in wakiilka Van Gaal iyo maamulka sare ee kooxda Manchester United uu maalmihii u dambeeyeyba u socday wadahadal is afgaradna lagu soo gunaanaday.

Laakiin kooxda Man United ayaa dhinaceeda ka gaabsatay oo diiday inay qirto inuu jiro heshiiska la sheegay inay la gaadhay Tababare Luis Van Gaal.

‘Wax laga waramo ma hayno. Wali Tababare cusub maanaan heshiis la saxeexan. Markaanu gaadhno wax laga waramo, waanu baahin doonaa.’ ayay ku gaabsadeen masuuliyiinta United.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska De Telegraaf ayaa ku sheegay qiimaha Van Gaal ku imayo United inuu dhan yahay £80million.