5:47 pm - Sunday April 30, 2017

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ku Dhawaaqday Wakhtiga La qabanayo Ciyaaraha Gobollada Iyo Magaalada Martigelinaysa

Abdiwahab Ahmed

Wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa muddaysay wakhtiga ay qabsoomi doonaan ciyaaraha gobollada Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta wasaaraddu ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu shaaciyey in bisha October 27-keeda la qaban doono tartamada kala duwan ee ciyaaraha gobollada Somaliland ee kubbadaha cagta, Kolayga iyo ciyaaraha fudud.

Shirka jaraa’id oo ay masuuliyiinta wasaaraddu diideen in su’aalo lagu weydiiyo, ayna joogeen Wasiirka, wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeedyada ayaa waxay ku sheegeen in Kubadda cagta ay  ku tartami doonaan siddeedda gobol ee Sool, Sanaag, Xaysimo, Daadmadheedh, Awdal, Gabilay, Hawd iyo Saaxil.

War-saxaafadeed uu Wasiirka ciyaaruhu Cabdillaahi Faarax Maydhane ku faahfaahinayo qabsoomidda ciyaaraha gobollada ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Kaddib markii aan tixgeliyey talo-bixinta guddida Qaban-qaabada ciyaaraha Gobollada ee 2016 ee aan dhawaan magacaabay, markaan arkay diiwaangelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka ee ka socotay gobollada dalka in ay gebogebo tahay, markaan garwaaqsaday in abaarihii gobollada dalka qaarkood saameeyey aanay hadda jirin, ayaa waxaan go’aansanay ka wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba:-

  1. Ciyaaraha Gobollada Somaliland in ay qabsoomi doonaan 27/10/2016, kuna qabsoomi doonaan caasimadda Hargeysa.
  2. Ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa ka qayb-gelaya

B: Kubadda cagta, 8-dii gobol ee ka soo baxay tartankii isreeb-reebka gobollada ee 2015 oo kala ah: Gobolka Sool, Gobolka  Sanaag, Gobolka Xaysimo, Gobolka Daadmadheedh, Gobolka Awdal, Gobolka Gabiley, Gobolka Hawd iyo Gobolka Saaxil.

T. Kubadda Kolayga, 8-da gobol oo kala ah: Gobolka Maroodi Jeex, Gobolka Awdal, Gobolka Gabiley, Gobolka Hawd, Gobolka Saaxil, Gobolka Togdheer, Gobolka Daadmadheedh iyo Gobolka Sanaag.

J: Ciyaaraha fudud, waxa ka qayb-gelaya dhamaan 14-ka gobol ee dalka.

Tartankan ayaa noqon doona mid ka duwan tartamadii hore marka loo eego garoomada kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud ee Hargeysa tadium oo dayactir heersare ah lagu sameeyey iyo sidoo kale garoonka kubadda kolayga eee Timacade oo isna dayactir heersare ah lagu sameeyey, waxa kale oo dheer in dhamaan hannaanka daawashada garoonka wax weyn laga beddelay, gaar ahaan shabaqa xayndaabka eee garoonka ciyaarta, taas oo aanu qoraal ugu gudbin doono cid kasta oo ay khusayso.

Haddaba, waxa la farayaa dhamaan isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha gobollada, Maayarada Caasimadaha kor ku xusan ee ka qayb-gelaya tartanka ciyaaraha gobollada 2016 inay u diyaar garoobaan ka-qayb-galka tartanka.”

 

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Rasmi: Aleksander Čeferin Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Xidhiidhka UEFA

Somaliland: Guddi Loo Magacaabay Qaban-qaabada ciyaaraha Gobollada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com