11:48 pm - Monday May 29, 2017

Bruce Arena Oo Loo Magacaabay Tabobaraha Xulka Maraykanka Kadib Caydhintii Jurgen Klinsmann

Aidarous
bruce-arena

Bruce Arena ayaa loo magacaabay tabobaraha cusub ee xulka qaranka Maraykanka markii labaad, kadib markii Isniintii xilka laga caydhiyey tabobarihii reer Jarmal ee Jurgen Klinsmann.


65 sano jirkan, reer Maraykan, oo xilka naadiga LA Galaxy ka deggi doona si uu jagada xulka u buuxiyo, ayaa qaranka USA ku hogaamiyey kaalintii ugu fiicnayd ee Maraykanku ku dhamaysto koob aduun sanadii 2002 dii, markaas oo ay gaadheen rubuc dhamaadka ama quarter-finals.

Arena wuxuu sidoo kale haystaa, rikoodhka guulaha ugu badan xulka US ee tabobare Maraykan u dhashay gaadho, waxaanu guul u horseeday qarankaasi, 71 jeer 130 ciyaarood oo uu hogaamiyey intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2006.

Wuxuu sidoo kale, shan horyaal oo naadiyada Maraykanka ah u qaaday kooxaha LA Galaxy iyo DC United.

Klinsmann wuxuu xulka United States gaadh siiyey 16 dhamaadka tartankii koobka aduunka 2014 kii, laakiin waxay guuldaro la kulmeen labadii ciyaarood ee ugu horeeyey isreeb reebka koobka aduunka 2018-ka.

Wax dhibco ah malaha, waxaanay fadhiyaan kaalinta ugu hoosaysa ee lixda qaran ee isreeb reebka heerka Groups ka ahi dhex marayo, iyagoo ka hooseeya xulalka qaramada Panama iyo Honduras.

Ciyaarta ugu horeysa ee tabobare, Arena xulka hogaamin doonaa, waxay noqonaysaa ciyaarta ku beegan 1 December.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
vincent-kompany

Vincent Kompany Oo Todobaadyo Dhaawac Uga Maqnaan Doona Garoomada

aurier

PSG Difaacyahankeeda Serge Aurier Oo Dalku-galkii Ingiriiska Loo Diiday Kahor Ciyaarta Arsenal

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com