Budhcad Jabsatay Guriga Di María Iyo Wixii Ka qabsaday

Budhcad ayaa Sabtidii toddobaadkan u dhacay guriga laacibka Manchester United ee Angel di Maria kaas oo ku yaala magaalada Manchester.

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Ingiriiska, tuugta ayaa jebiyey daaqadda guriga Di Maria iyadoo uu wakhtigaas laacibka iyo qoyskiisuba ku sugan yihiin qolka Cuntada, waxaana markii ay tuugtu jebiyeen daaqadda qayliyey jeliska ku xidhan guriga.

Tuugta ayaa markaas kadib ka cararay meesha, iyadoo aanay Di Maria iyo qoyskiisu maamulin in ay xattaa arkaan tuugta u soo dhacaysay.

Di Maria oo ay la socdaan xaaskiisa iyo inantiisa ayaa tegay saldhigga booliska dhacdadaas kadib, waxaanay u sheegeen wixii dhacay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Video – Roma 0-2 Fiorentina

Akhri Warqad Dhiig Lagu Qoray Oo Tababare Rodgers U Diray Taageera Liverpool Ah Oo Awowgii Geeriyooday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com