5:38 pm - Thursday July 27, 2017

Busquets Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Saxaafada, Dafirayna Fal Uu Si Cad U Sameeyey, Xaqiraadna Ula Badheedhay Kooxda Real Madrid

Aidarous

REALMADRID-BARCELONA Sergio Busquets y PepeCiyaaryahanka Xulka Qaranka Spain iyo kooxda Barcelona Sergio Busquets, ayaa ka hadlay fal uu ku kacay Ciyaartii dhexmartay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Falkan uu ku kacay  Sergio Busquets, oo ahaa inuu madaxda kaga istaagay Pep, oo ay aad u buunbuuniyeen warbaahintu, waanu dafiray oo waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin arintan, waxa kale oo uu sheegay inay albaabka u furtay guushii ay ka gaadheen kooxda Real Madrid, Hanashada Horyaalkana ku dadaali doonan waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya.

Sergio Busquets y Pepe“Waxa aniga iyo Pepe na dhexmaray ma jiro, anigu isaga maan taaban, waxna kumaan sameeyn, Madaxiisana kumaan istaagin, balse saxaafada ayaa buunbuunisay, waana bilaa tixgelin, waxa ay doonana wey ku kacaan, weyna qoraan, isla markaana wey baahiyaan,Garaacida aanu garaacnay Real Madrid albaabka ayey noo furtay, dib ayaanu u soo noqonay, waxaana rajo buuxda ka qabnaa in aanu guulahayga halkaas ka sii wadan doono, inkasta oo Ciyaarta ugu dambeeysa aanu la leenahay  Atletico, ayaanu haddana dadaal xoogan sameeyn doona”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

“Diyaar ayaanu u nahay kulanka Real Madrid”Marco Reus

Tababare Brendan Rodgers Oo La Sheegay Inuu Hayo Dariiqii Ferguson Iyo Is-Babar-Dhig Lagu Sameeyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: