5:37 pm - Thursday July 27, 2017

Busquets Waa Bahal Beenaale Ah – Pepe

Aidarous

Ciyaaryahanka Difaaca uga ciyaaraha kooxda Real Madrid ee Pepe ayaa ku sifeeyey Sergio Busquets Beenaale xun, sheegayna in Madrid laga eryi lahaa, haddii uu isagu ku samayn laha ciyaaryahanka Barca falkii uu kula kacay.

Sawiro laga qaaday kulankii El Clasico ayaa muujinayay ciyaaryahanka Portaqiiska ah oo la ildaran xanuunka kabaha kubada ee laacibka khadka dhexe ee kooxda Blaugrana oo wejiga ka saaran.

Sergio Busquets y Pepe

Busquets ayaa dafiray inuu taabtay Pepe wallow la hayo sawiradii oo cadaynaya, taas oo Pepena ka keentay hadaladan cadhada xambaarsan.

“Doqon kanoo kale ahi ma jiro, sawiradii cadaynta ahaa baa la hayaa.” ayuu yidhi 31 jirka reer Portugal, mar uu la hadlayay saxaafada kadib guushii 3-0 ka ahayd ee kooxdiisu ka soo hoysay lugtii hore ee rubuc dhamaadka Champions League ay isku haleeleen Borussia Dortmund xallay Arbacadii.

“Waxyaabaha qofka binu aadanka ahi qiimaha ku leeyahay waxaa kamid ah , daacadnimada iyo inuu mararka qaar qirto oo raali gallin ka bixiyo gefka uu sameeyo.

“Haddii aan ku jiri lahaa halkaa Busquets (aan anigu samayn lahaa wuxuu igu sameeyey) markaa dib uguma safteen Real Madrid, taas oo ah sida dad badani doonayaan in la iga saaro kooxda.

“Haddaan anigu samayn lahaa falkaas oo kale, dadku may jeclaadeen inaan SPain sii joogo. Waxa la ii arki lahaa qof dambe jariimad ah (qudh goyn) sameeyey, hala eryo ayay ku qaylin lahaayeen.

“Laakiin kubada cagta ayay waxan oo kale ka dhacaan. dabcan waxaan ku faraxsanahay inaan kamid ahay Real Madrid.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
3/5 - 1
You need login to vote.

Mourinho Ka Qosliyey Warbaahin Wax Ka Weydiisay Guuldaradii PSG

Qaar ka mid ah Taageerayaasha kooxda Chelsea oo si Yaab leh u fasirtay wixii uu sameeyay wiilkooda Eden Hazard kulankii Xalay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: