Buuq Ka Abuurmay Go’aankii Lagu Bedelay Ballotelli Kulankii Roma Ee Xallay

Super Mario Oo La Murmaya Tababare Seedorf

Mario Ballotelli ayaa la bedelay ciyaartii xallay Ac Milan guuldarada kala kulantay dhigeeda Roma, taas oo cadho ku abuurtay ciyaaryahanka buuq dhaliya had iyo jeer ee Super Mario.

Weeraryahan Ballotelli ayaa lagu bedelay Giampaolo Pazzini daqiiqadii 69 aad ee ciyaarta, Isla markiiba wuxuu waraysi sababta bedelkiisa ku saabsan la yeeshay tababaraha kooxda Clarence Seeforf.

Laacibkan 28 jir ka ah oo waraysi siiyey Televishanka Sky Sport, qaybtiisa wadanka Talyaaniga ciyaarta kadib , ayuu ku faahfaahiyey sida uu uga cadhooday bedelka lagu sameeyey, waxaanu sidoo kale buuq ka dhaliyey studiyaha, isago dagaal ku bilaabay khubaradii ciyaarta naaqishaysay oo ay kamid ahaayeen Giancarlo Marocchi, Zvonimir Boban iyo Christian Panucci.

Balotelli_Xulka khubarada ah ee fadhiyey Studiyaha Telefishanka ayaa wakhtigaas dagaalku qabsaday ka doodayay qaab ciyaareedka ciyaaryahan Mario Ballotelli.

“Ma garanayo sababta keentay in la i bedelo.” ayuu yidhi Mario

“Waxaanse u malaynayaa inay tahay wixii ay kaga hadlayeen Tv-ga ee ahayd inaanan ahayn laacib.”

Markii waraysigu Intaas Marayay, ciyaaryahankuna khadka ku jiro isagoo garoonka Taagan codadka khabiiradana maqlaya , ayaa dooda la soo galliyey, waxaanu daadihiyihii barnaamijka oo ahaa Marocchi yidhi “Sababta loo bedelay waxay ahayd, Ballotelli muu samaynayn dhaqdhaqaaq badan sidaas ayuu ku mutaystay.”
Markii uu intaas yidhi. ayaa waxa hadalka Boobay Super Mario isagoo leh: “Waa Kuma kaasi.? Ma Marocchi-baa.? Kaasi waxba kama yaqaan kubada cagta.”

“Laakiin wixii ay ku sheegeen istuudiyaha ee aheyd inaan aheyn ciyaaryahan sarre, waa inay taasi noqoto.”
Dagaalka afka ah ee dhex maraya kooxda fadhiday Telefishanka iyo Mario Ballotelli ayaa sii socotay oo ahayd mid dheer xanaaq badana ka muuqday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Klopp oo ku gacan saydhay kooxda Manchester United

Breaking News : Louis Van Gaal & United Oo Heshiis Hordhac Ah Kala Saxeexday Iyo Tababaraha Cusub Oo Dalbaday Kluivert Inuu Ku Xigeen U Noqdo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com