5:29 pm - Thursday July 27, 2017

Bye Bye Pepe: Halyeygii Xamaasadda Badnaa Oo Ka Dhaqaajiyey Real Madrid

Abdiwahab Ahmed

Toban sannadood oo uu ka mid ahaa laf-dhabarta kooxda kaddib, Pepe waxa uu usii ciyaari doonaa Real Madrid kulamadiisii ugu dambeeyey ee uu funaanadda cad ee kooxdaas sii xidhnaado.

Pepe oo u ciyaaray Real Madrid 327 kulan ayaa ay kooxda isku af-garan waayeen heshiis kordhin, waxaana uu go’aansaday inuu ka tago Los Blancos marka uu dhamaado muddada yar ee kooban ee uga hadhsan heshiiskii uu kula jiray Madrid.

Pepe oo ka mid ah ciyaaryahannada ajaanibka ah ee ugu wanaagsanaa difaaca Real Madrid ee kooxda soo mara, ayaa waxa uu Real Madrid ku biiray sannadkii 2007 markaas oo Porto kaga soo iibsatay 30 milyan oo Euro, waxaana uu caan ku ahaa xamaasad iyo in uu ahaa ciyaartoy xagxagasho badan oo weeraryahannadu aanay ka lug bixin, marka uu doodana ciyaarta qas geliya.

Marka la barbar dhigo ciyaaryahanno hore oo ajaanib ah oo booskiisa ka ciyaaray oo sidiisa oo kale laf-dhabar u noqday, waxaana booskaas iska lahaan jiray ciyaartooyo u dhashay Spain, waxaana iska beddelay Goyo Benito, Hierro iyo Sanchis.

Waxa uu qayb libaax ka qaatay guulihii kooxdiisu sannadka 2016 gaadhay ee Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World cup iyo sidoo kale in uu rukun adag u ahaa xulka dalka Portugal ee ku guuleystay koobka Euro 2016.

Inkasta oo ay da’diisu tahay 33 jir, haddana awooddiisa jidheed waxay u saamaxaysaa inuu sannado badan oo kale sii ciyaaro.

Kooxo ka dhisan waddanka China ayaa la aaminsan yahay inay jecel yihiin inay gacanta dhigaan dagaalyahankan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chicago Bulls Oo Sibiq Kaga Baxsatay Indiana Pacers

prev-next.jpg

Liverpool oo Maca-salaamaynaysa Lucas Oo Kusii Jeeda Inter Milan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: