8:56 am - Monday May 29, 2017

Caalamka Oo Ka Tacsiyeynaya Kooxdii Ku Dhammaatay Shilka

Abdiwahab Ahmed

Tobannaan kun oo qof ayaa waxay isugu tageen magaalada Chapeco ee koofurta Brazil, halkaas oo loogu baroor-diiqayo kooxdii kubadda cagta magaca magaalada ku ciyaaraysay ee Chapecoense oo dhamaantood ku dhintay shil diyaaradeed.

Dadka ayaa isugu tegaya garoonkii ay ku ciyaari jirtay kooxdu iyagoo barooranaya, isla markaana ku lebbisan dharkii ay xidhan jireen ciyaartoyga ku le’day shilka diyaaradeed ee ka dhacay waddanka Colombia.

Taageerayaasha kooxda ayaa u lugeynaya garoonka si ay ugu duceeyaan kooxda baaba’day, kuwaas oo markii uu shilku ku dhacay u socday ciyaarta finalka koobka loo yaqaano Copa Sudamerica.

 

Xidhiidhada kubadda cagta caalamka iyo ciyaaryahanada ayaa ka tacsiyeynaya kooxdaasi musiibada ku dhacday.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyo ciyaaryahanada caanka ah intooda badan sida, Pele, waxa ay sheegeen in ciyaarayaha kubadda cagta ay tacsi weyn u taallo.

Lionel Messi iyo Neymar waxay dhankooda ka tacsiyeeyeen dhacdadaasi.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Magacyada Ciyaartooyga Ka Badbaaday Shilka Diyaaradeed Ee Kooxda Brazil

Tababare Lagu Eedeeyey Inuu Kufsado Ciyaartoygiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com