Caawa Ma Seexanayo – Kane Oo Farxaddii Ka Bad-badatay

Harry Kane ayaa isu diyaariyey habeen hurdo la’aan ah kadib markii uu laba gool ka xareeyey kulankii naadigiisa Tottenham kaga dul talaabsaday 2-1 kooxda Arsenal ee Derby north London .

Weeraryahankan, oo 22 gool ka dhigay goolasha uu ka dhaliyey horyaalka sanadkan, ayaa ka caawiyey kooxdiisa inay gawracdo kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal oo uu laba gool ka dhaliyey qaybtii dambe ee ciyaar uu Mezut Ozil hogaanka u dhiibay markii hore the Gunners.

Kane oo farxadu ka bad-badatay ayaa ku yidhi BT Sport hadalkan: “Allow ma ciyaar bay ahayd, Waxay ahayd mid kamid ah ciyaarihi ugu fiicnaa ee aanu soo bandhignay horyaalka sanadkan.

“Layaab ayay ahayd. Taageerayaashu cajiib ayay ahaayeen, jawigu wuxuu ahaa mid ifaya. Waxaas oo dhan baa wax fiican naga dhigay.

“Dareenkaasi [inaan dhaliyey goolashii guushu] dhab ahaan waa waxaanan iloobi doonin inta mustaqbalkayga ka djiman.

“Ciyaartaydii ugu horeysay ee Derby London ah, iyo inaanu guusha u gaadhnay sidii aanu doonaynay, waliba sii xaqiijinay, waa kaliya wax lala cajabo, Runtii caawa seexad iima yaalo.”

Goolkii Ozil hogaanka ugu dhiibay Arsenal ayaa yimid daqiiqadii 11 aad, laakiin Tottenham sidii ay uga jawaabtay waliba u dhaaftay ayaa ahayd wax ay u qalmayeen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Macallinkii Weynaa Ee Trapattoni Oo Juventus Kula Taliyey In Ay Iibiso Pogba

Everton iyo Liverpool oo is mari waayay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com