Cabsida Haysa Juventus: Ferguson Oo Conte U Sii Wada Manchester United

Madaxa kooxda Juventus Beppe Moratta ayaa ku wargeliyey taageereyaasha kooxdaas inay jirto cabsi ah in uu ka tago tababare Antonio Conte.

Tababare Conte ayaa bishii March tibaaxay in uu jecel yahay inuu ka tago horyaalka Talyaaniga oo uu u wareego naadi ka dhisan waddan kale si uu khibrad cusub u helo, waxaanu mar kale ku celiyey hadal loo fasirtay inuu tegayo toddobaadkii hore markaas oo uu sheegay inuu diyaarinayo hawl cusub.

Moratta oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Waxay ila tahay inay sax tahay in la aqoonsado waxyaabaha uu Conte gaadhsiiyey Juventus.

“Sidii aan hore u sheegnay, Conte waa tababare si fiican u habaysan oo wax badan ku lahaa guulaha ay kooxdu gaadhay sannadkan.

“Waxa aan aaminsanahay in ay habboon tahay in taageereyaashu ay ka werweraan in uu Turin ka tegayo Conte” ayuu yidhi.

Conte ayaa waxa ay Arbacadii is ag-fadhiyeen tababarihii hore ee Manchester United, iyagoo wada daawanayay ciyaartii Faynalka Europa League ee ay qaadday Seville, taas oo ka dhacday garoonka Juventus.

Madaxweynaha Juventus, ayaa aaminsan in Ferguson uu talooyin siiyey Conte, kuwaas oo uu isaguna qaatay.

“Shalay (Arbacadii) damaashaad weyn ayay u ahayd kubadda cagta, kulankii Faynalku aad ayuu muhiim u ahaa, waa madal bulsheed oo aad kula kulmayso xiddigo ciyaaraha ah sida Alex Ferguson.

“Waxa laga yaabaa in Conte uu ka helay (Ferguson) xikmad kubadda cagta ku saabsan ama tallooyin la xidhiidha mustaqbalkiisa tababarenimo”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Puyol Oo Ka Oohiyey Johan Cruyff, Laporta, Louis van Gaal, Kluivert, Albertini, Enrique, Guardiola, Eric Abidal Iyo Tata

Ronaldo Oo Kulanka Caawa U Ciyaari Doona Kooxdiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com