6:52 pm - Monday August 21, 2017

Cabsida Messi Ay Ka Qabto Madrid ayaa Ka Badan Ta Aanu Ka Qabno Ronaldo

Aidarous

Messi And Jordi AlbaJordi Alba, laacibka difaaca kooxda Barcelona ayaa ku tilmaamay Ronaldo inuu yahay Xidig, laakiin wuxuu sheegay in Real Madrid ay Messi uga cabsanayso si aanay Barcelona uga cabsanayn Ronaldo.

Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka El Clasico ee ka dhici doona Garoonka Bernabeu, laacibkan xulka qaranka Spain wuxuu hoosta ka xariiqay in xidiga reer Portugal uu yahay mid ku haboon booska uu ka ciyaaro.

Laakiin hadana , ciyaaryahanka difaaci ahi wuxuu aaminsan yahay in laacibka ay isku kooxda yihiin ee Messi uu yahay weeraryahanka ugu khatarta badan aduunka.

Mar la waydiiyey ciyaaryahanka labadan xidig ka loogu cabsida badan yahay,  Jordi Alba wuxuu ku jawaabay : “Waxaan odhan lahaa Leo, sababtuna maaha waxaanu nahay isku koox, laakiin waa fikir aan qabay ilaa wakhtigii aan joogay Vallencia.”

“Cristiano waa xidig, waana laacib muhiimad weyn u leh Real Madrid. Maalinta xaaladu ku xumaatana , habeenkaas isagu muuqda.

“Laakiin waxaanu haysanaa Leo. Madridna si aanaan Ronaldo uga cabsoonayn ayay uga cabsi qabaan.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Guardiola: Muranka Robben Waxa Igaga Daran Ka Ay Xaaskaygu Igala Hortimaado

van Persie Oo La Baxsaday Tababarihii Culaysku Saarnaa, United-na Ku Daray Liiska Gudbayaasha

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: