Cagliari Oo Eriday Tababare Diego Lopez

Kooxda Talyaaniga ah ee Cagliari ayaa dibada u saartay tababarihii kooxda ee Diego Lopez kadiib guuldaradii 3-1 ka ahayd ee ay kala kulmeen ciyaartii garoonkooda ay martida ugu ahayd naadiga Roma.

Naadiga horyaalka Seria A ayaa guuldarada Roma noqonaysa tii afraad ee ku dhacda 5 tii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdu ciyaartay.

Sidaas darteed, ayuu gudoomiyaha naadiga Cagliari ee Massimo Cellino, uu go’aansaday eriga tababaraha sagaalka bilood la joogay ee Diego Lopez.

“Maaran waaga in la soo afjaro ruxanka kooxda ku yimid mudadan u dambeysay ee xili ciyaareedka , si loo badbaadiyo naadiga ayaa keentay isbedel maamul oo lagu sameeyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saartay  Cagliari.

“Go’aankani waa mid aad noo damqaya , inaan shaqadii ka erino Lopez oo ah shaqsi kubada cagta qiimo ku leh , kooxdana tusaale iyo kabtanba u soo ahaa wakhtiyadii uu ciyaar yahanka ahaa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zabaleta Digniin : Manchester City Waa Inaanaan Xataa Barbar dhac Ka Ogolaan Liverpool

Chelsea Iyo Madrid Oo Si Dirqi Ah Ugu Gudbay Semi-Finelka Horyaalka Yurub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com