Cajiib! Ra’iisal Wasaaraha Spain Oo Diiday In Real Madrid Soo Iibsato Neymar

Ra’iisal wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa sheegay in aanu doonaynin in indhihiisu qabtaan Neymar oo ku lebbisan dharka kooxda Real Madrid, taas oo lala xidhiidhinayo inay ciyaartoygan u dhaqaaqayso raadintiisa xagaaga soo socda.

Ra’iisal wasaare Rajoy ayaa sida ay warbaahinta AS baahisay waxa uu amaanay ciyaaryahannadii hore ee Real Madrid ee Zidane, Raul, Ronaldo iyo Figo, hase yeeshee, waxa uu dhinaca kale caddeeyey in aanu doonaynin in Neymar uu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo, Benzema iyo Bale.

Ra’iisal wasaare Mariano Rajoy oo tan iyo sannadkii 1986 haysta tigidhka daawashada ciyaaraha Real Madrid waxa uu soo bandhigay inuu rajaynayo in kooxda tababare Zidane ay ka badin doonto PSG, isla markaanna u gudbi doonto wareegga siddeed dhamaadka Champions League.

“Marka aad isbeddelka eego, waxa aad u malaynaysaa inay ina siin doonaan wax inaga qarsoon, laakiin wax walba way dhici karaan ciyaaraha noocan oo kale ah.” Sidaas ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaruhu.

Rajoy oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Yeynaan illoobin in kooxdani tahay Real Madrid iyo in Champions League uu yahay tartankoodii, khaasatan wakhtigan waxay ka hadheen LaLiga iyo Cpa del Rey. Waa isla kooxdii sannadkii hore ama waxyar uun ka liidata, waxaanay ka hadlayaan difaacashada Champion-ka. Waa kooxdii ku guuleysatay saddexda Champions League afartii sannadood ee u dambeeyey. Waxaan qabaa in aanu garaaci doono PSG.”

Mar la weydiiyey halista PSG, waxa uu Ra’iisal wasaare Rajoy ku jawaabay: “Dadku waxay isha ku hayaan saddexda ciyaartoy ee afka hore oo ah laacibiin wanaagsan, laakiin waxay haystaan koox wanaagsan sida Di Maria, Verratti, Rabiot iyo xiddiga reer Argentina ee Lo Celso. Waxa aanu la yeelanayna laba ciyaarood oo dagaal aad ah oo dhexmaraya laba kooxood oo haysta ciyaaryahannada dunida ugu wanaagsan.”

Ka sokow ixtiraamka uu u muujiyey PSG, Rajoy ma doonayo in Real Madrid ay heshiis la gasho Neymar, waxaanu yidhi: “Maya, ma doonayo inaan arko Neymar oo xidhan shaadhka cad ee Madrid.”


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.