Cajiib! Taageereyaasha PSG Oo Cay U Miisay Neymar Markii Uu Dhaliyey Goolka 4aad

Neymar ayaa markii u horreysay taariikhdiisa casriga ah ee Yurub, waxa uu u dabbaal-degay afar gool oo wada socda oo uu hal ciyaar dhaliyo, waxaana ay ahayd kulan ay PSG ku burburisay Dijon oo ku dhamaaday 8-0.

Laba ka mid ah goolasha waxa dhaliyey Angel Di Maria, Cavani ayaa mid ku darsaday, mid kalena waxa saxeexay Mbappe, halka uu Neymar afar wada socda shabaqa taabsiiyey.

Di Maria ayaa furay dhalinta goolasha oo laba wada socda dhaliyey, waxaana mid ku saddexeeyey Neymar ka hor intii aanu Cavani dhalinin goolkiisii 156aad intii uu joogay PSG, kaas oo uu kula sinmay Zlatan Ibrahimovic oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxda.

Waxa laba gool oo kale dhaliyey Neymar oo ciyaarta ka dhigay 6-0, kaddibna Mbappe oo beddel kusoo galay ayaa gool toddobaad ka dhaliyey.

Ciyaarta oo halkaa maraysa ayaa PSG loo dhigay rikoodhe, waxaana kubadda qaatay Neymar, hase yeeshee, taageereyaasha PSG ayaa mar kaliya qaylo isku wada daray, waxaanay u miiseen cay iyo aflagaado, iyagoo diiddanaa inuu rikoodhaha laagto.

Taageereyaashu waxay doonayeen in rikoodhaha uu laagto Cavani oo geli lahaa taariikhda PSG haddii uu dhaliyo goolkaas, waayo wuxuu ka sare mari lahaa Ibrahimovic.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar wuu iska dhego tiray arrintaas, isaga ayaana dhaliyey goolka oo afarley ku seexday.

Tababaraha PSG, Unai Emery oo warbaahinta la hadlay markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa sheegay in sababta Neymar u qaatay rikoodhuhu ahayd iyadoo ay habeen tariikhi ah u ahayd, laakiin uu Cavani kulamada dambeba dhalin doono gool iyo ka badan oo taariikhda kooxda uu geli doono.

PSG ayaa hoggaanka Ligue 1 waxay ku haysaa 11 dhibcood oo saafi ah oo ay ka horreyso Lyon oo kaalinta labaad ku jirta.