Carlo Ancelotti Oo Gaashaanka Ku dhuftay dalab uga yimid Manchester City

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa gaashaanka ku dhuftay dalab uga yimid kooxda Manchester City kaas oo ay ku doonaysay in ay xili-ciyaareedka dambe hoggaanka kooxdaas qabtaan Ancelotti iyo kaaliyihiisa Paul Clement.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta UK, Manchester City oo door-bidaysa in ay shaqada ka caydhiso Manuel Pellegrini ayaa liiska tababareyaal beddel u noqonaya ay miiskeeda soo saartay, waxaana ugu horreeya saddexda khabiir ee Ancelotti, Pep Guariola iyo Diego Simeone, laakiin arrintan ayaa u muuqata in aanay hirgeli doonin, iyadoo uu toddobaadkan Simeone dalabkii loo gudbiyey kaga jawaabay heshiis cusub oo uu u saxeexay kooxdiisa Atletico Madrid.

Tababarihii hore ee PSG, Chelsea Iyo AC Milan ee Ancelotti oo cadaadis badan ka haysto Real Madrid ayaa waxa la fahamsan yahay in City dalabka ay u dirtay ay ku sallaysay wakhti aanu wanaagsanayn xidhiidhka u dhexeeya taageereyaasha Real Madrid.

Tababare ku-xigeenka Real Madrid, Clement ayaa hore u sheegay in uu go’aansaday in aanu ka tedgin Madrid isla markaana aanu raacin Carlo Ancelotti haddii uu u dhaqaaqo Manchester City. Clement waxa uu dareensan yahay in la gaadhay wakhtigii uu kalidii shaqo tegi lahaa ee uu ka hadhi lahaa Ancelotti oo uu kaaliye u ahaa illaa wakhtiyadiii PSG, Chelsea iyo hadda oo uu Real Madrid joogo.

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Garoonka Camp Nou Oo Margelin doona Faynalka Copa del Rey

Mudahraad Ay Dhigayaan Taageerayaasha Kooxaha Premier League Oo Maanta London Ka Dhacaya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com