Carlton Cole: West Ham weeraryahankeeda oo lagu ganaaxay Fariin uu qoray

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Ingiriiska ayaa fariin uu ku qoray baraha bulshadu ku kulanto ee Internet ka, ku ganaaxay weeraryahanka naadiga West Ham ee Carlton Cole.Ciyaaryahan Cole Carlton
Ganaaxan ayaa daba socday qoraal jawaab ah oo uu ciyaaryahankan 31 jirka ahi u qorey taageere kooxda Tottenham ah ciyaartii horyaalka Premier League ee barbar dhaca 2-2 da ah ku dhamaaday ee labada kooxood dhex martay 22 kii February.
Warsaxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka FA ayaa lagu yidhi: “Waxaa loo arkay in qoraal jawaabeedkaasi ahaa – Aflagaado ama/iyo cay iyo/ama mid aan haboonayn iyo/ama ka turjumayay in ciyaaruhu wax xun yihiin.”
Weeraryahankan hore ee xulka England, Cole ayaa haysta wakhti ku eg ilaa 18:00 GMT ee 5 March hadii uu cabasho ka qabo dacwada.
Cole ayaa xili ciyaareedkan u saftay 17 ciyaarood kooxda lagu naanayso dubayaasha ‘the Hammers’ una dhaliyey saddex gool.
Waxaa hore xidhiidhka kubada cagtu ugu xukumeen ciyaaryahankan ganaax lacageed oo dhan £20,000 kadib markii uu sida dhacdadan oo kale jawaab ama faalo ku qoray barta Twitter, intii ay socotay ciyaar saaxiibtinimo oo xulka Ingiriisku la ciyaaray Ghana bishii April sanadii 2011 kii.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Alonso Oo Seegaya Tartanka Baabuur Wadida Ee Australian Grand Prix

Karim Benzema Oo Markii Labaad Maxkamad Maxkamad La soo taagay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com