Wiilal ay dhaleen labada saddexda ciyaartoy ee Lionel Messi, Luis Suarez iyo Gerard Pique ayaa ku istaagay dariiqii xiradeed ee aabboyaashood, kaddib markii ay si rasmi ah uga xaadireen FCB Escola oo ah xarunta tababarka carruurta da’yarta Barcelona, halkaas oo arrimo ammaan dartood loo diiday in sawirro laga qaato.

Go’aanka lagu diiday in sawirro laga qaato tabbaraka ay carruurtan yaryar samaynayeen ayaa waxa shaaciyey maamulka kooxda, iyadoo xattaa laga hor joogsaday inay galaan garoonka warbaahintii sida dhow ula shaqayn jiray kooxda ee warbixinaha ka diyaarin jiray La Masia oo ah hoyga carsbiska da’yarta yara waaweyn ee Barcelona.

Wiilasha ay dhaleen saddexdan xiddig oo da’dooda lagu sheegay inay yihiin afar jirro ayaa noqday carruurtii ugu da’da yarayd ee abid ku biirta tababarka kooxdaas.