7:28 pm - Friday August 18, 2017

Casillas Oo Lumiyey Rikoodh Uu Dhigi Lahaa Xallay

Aidarous

Fursadii uu Iker Casillas u jabin lahaa rikoodhka goolwade Walter Zenga uu u dhigay koobka aduunka ee Daqiiqadaha aan shabaqiisa la taabanin ayaa ka luntay xallay kadib markii uu kubad madax qurux badan ahayd daba mariyey weeraryahanka Xulka Holland ee Van Persie.

Casillas ayaa u baahnaa inuu shabaqiisa kubada ka ilaaliyo ugu yaraan ilaa daqiiqada 86aad ee ciyaarta si uu u dhaafo 517 –da minute ee uu rikoodhka ku haysto goolwadihii hore ee xulka Italy Zenga uu dhigay koob aduunkii wadankiisa lagu qabtay sanadkii 1990.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka xulka Spain Ayaan gool laga dhalin  477 daqiiqo , kuwaas oo u ogolaanaya imika inuu dhaafo ,  rikoodh ka goolwadihii hore ee  Germany,  Sepp Maier (475) goolwadaha xulka Talyaaniga, Gianluigi Buffon (460), waxaanu sidaas ku yahay goolwadaha saddexaad ee mudada ugu dheer aan kubada cagta aduunka shabaqiisa loo daba marin.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Haddii sidani sii socoto marka Brazil koobka Ha La Iska Siiyo ……..Lovren

Del Bosque

‘Uma Baahnin Wax Ka Bedel Ee Sixid Khaladaad Baan U Baahanahay’ – Del Bosque

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: