11:27 am - Friday June 23, 2017

Casillas: Xavi imuu Caayim Hadal Xuna Iima Odhan

Aidarous

Gool-ilaaliyaha naadiga Real Madrid, Iker Casillas ayaa diiday inuu jiro wax muran ah oo isaga iyo laacibka khadka dhexe ee Xavi ku dhex maray markhaatiyadii ay u kala fureen, is eedaynta dhex martay labada ciyaaryahan ee Pepe iyo Sergio Busquets.

Casillas ayaa hore u sheegay inuu falka uu sameeyey dartiis ku  “dhirbaaxi lahaa “ Sergio,  kadib markii la baahiyey sawiro muujinaya laacibka khadka dhexe oo difaac raacsan ah uga ciyaara Naadiga Catalanka oo madaxa kaga taagan ciyaaryahanka difaaca Real  ee Pepe, ciyaartii El Clasico Bishii March ay Barcelona 4-3 da kaga badisay Madrid.

Xavi oo isna isla dhacdadaas ka markhaati furaya ayaa yidhi. “Busquets kumuu joogsanin Pepe, waxaanad ka arki karaysaan sawirada laftooda inaanay arintaas wax ka jiraa jirin.” Waxaanu ku eedeeyey ciyaaryahanada Real Madrid ee ka hadlay dhacdadaasi inaanay dhex dhexaad noqonin ee ay saaxiibkood u hiiliyeen.

Labada hadal ee labada ciyaaryahan ugu kala markhaati fureen saaxiibadood oo ay saxaafadu isku dayday inay buuq ka abuurto, ayaa keenay in Ikar Casillas ka gaabsado inuu aflagaado u mariyo Xavi warbaahinta, waxaanu diiday inuu jawaab dagaal ah diro.

“Haddii Xavi iga cabanayo, waa inuu aniga si degan iigala hadlaa oo aanu warbaahinta ii soo marinin,

“Arintaasi aynu dhinac iska dhigno , waayo waxay noqotay wax lagu caajisayo oo soo noqnoday loomana baahna inaan sii wadwadno.”

Kooxda Real Madrid ayaa markale dagaal la galli doonta Barcelona 16 ka bishan April oo ay isku halleelayaan ciyaarta Finelka ee Copa de la Rey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Diarra Oo Lagu Khasbay Inuu Beeniyo Wararka Sheegaya Inuu Ka Mid Noqday Dagaal-yahanada Suuriya

Dortmund Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Soo Xero Gallisay Bedelka Lewandowski

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: