Warbixin ay hay’adda caalamiga ah ee ka hortagta isticmaalka dawooyinka jidhka xoogga siiya ee Wada ay kaga hadlaysay qaabka loo qaadayay tijaabooyinka lagu baadhayay mukhaadaraadka ee ciyaarihii Rio 2016 ayaa lagu ogaaday “fashilaado culus”.

Hay’adda caalamiga ah ee ka hortagta isticmaalka dawooyinka jidhka xoogga siiya ee Wada ayaa sheegtay in ciyaartoy badan oo la baar=dhi lahaa aanan la aragba.

Hay’adda Wada waxa ay intaa ku dartay in maalmaha qaar “ilaa boqolkiiba 50 baadhitaanada ay dhicisoobeen”.

Warbixintan oo 55 bog ka kooban ayaa waxa ay kooxda madaxa bannaan ku ogaatay in 4,125 ka mid aheyd 11,470 ciyaartoy aanan la diiwaangelin wax tijaabo ah oo lagu sameeyay 2016, iyadoo 1,913 ka mid ahna ay u tartamayeen ilaa 10 “ciyaarood oo khatartoodu ay sarreyso”.