3:03 pm - Tuesday August 23, 9267

Ceebta Huursan Ee Chelsea : Mourinho Oo Wuxuu Doono Ku Yidhi Ciyaaryahanadiisa -Cole Oo Ilmo Kaga Baxay Garoonka & Salah iyo Tababaraha Oo Tii U Dambeysay Kala Maraya

Aidarous

Barbarihii ay Chelsea la gashay Norwich City , waxay daboolka ka qaaday xaalada murugsan ee naadigu ku jiro , waxaanay dhalisay in tababare Mourinho cadho kula dhex dhaco ciyaaryahanadiisa , qaarkood iyagoo ilmaynaya ay ka baxaan garoonka, qaarna digniintii kama dambaysta ahayd loo dhiibo.

cHELSEShabakada Sports Mail oo goob joog ka ahayd wixii ka dhacay gudaha qolka nasashada ayaa ka warantay wixii dhacay iyo dagaalkii afka ahaa ee dhex maray ciyaaryahanada iyo tababarohooda.
Waxay shabakadu warbixinteeda ku bilowday sidan:-

Mourinho, oo ku cadho cadhadiisa qarsan waayay intii la sii socday tuumbada loo maro qolka nashada qaybtii koowaad markii ay dhamaatay, wuxuu si gaar ah cambaarayn u huwiyey qaar kamid ah ciyaaryahanadiisa oo ay ugu horeeyaan Nemanja Matic iyo Mohamed Salah oo uu ku eedeeyey qaab ciyaareedkii liitay ee ay soo bandhigeen 45 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyey. Waxaanu intaas ka dib ciyaaryahanadiisa kuwada eedeeyey inay qaybtii hore ahaayeen kuwo ‘caajis’ ah.

cHELSEAAAAAAAA CHELSEAAAAAA

Waxayse xaaladu sii murugtay oo kooxdu qiiradeedu cirka iska shareertay markii uu ciyaarta ka baxay Ashley Cole oo ilmadu ka tif-leedahay, isagoo xejisan waayay inuu qariyo sida uu uga xun yahay in kulankaasi noqonayay kiisii ugu dambeeyey ee uu Chelsea u ciyaaro maadaama uu isu diyaarinayo inuu kooxdii uu 8 da sanno u soo ciyaarayay ka dhaqaaqayo dhamaadka xili ciyaareedka.

Waxaa la ogaaday , in tababare Mourinho ku yidhi, Matic ‘waxaan si qoto dheer uga fiirsanayaa sidii ay kooxdu dib kuugu celin lahayd meelihii aad ka timid marka uu furmo suuqa ciyaaryahanadu.’

ChelseaaaaaWeeraryahanka baasha ka ciyaara ee Masaariga ah, Maxamed Salah oo uu ciyaartaba ka saaray markii qaybtii hore dhamaatay, wuxuu u sheegay, inuu ku dedaalo sidii uu u soo ceshan lahaa qaab ciyaareedkiisii hore inta aanu bilaabmin xili ciyaareedka dambe, ‘Isu soo diyaari sidii nin ciyaar toy ah.’

Markii uu ka faraxashay labadaas ciyaaryahan, Mourinho wuxuu u dhaqaaqay dhinaca qolka Lebiska isagoo cadho jiq ah, waxaanu hadal ku bilaabay ciyaaryahanadii kale , isagoo u khudbadaynayay ilaa intii garoonka lagu soo noqonayay qaybtii labaad.’

cHELSEAMaalintii ka dambeysay ee Axadiina , Kooxda Chelsea waxay soo saartay war murtiyeed ay ku faah faahisay wixii dhacay , waxaana hadalkoodii kamid ahaa:-

”In kastoo kooxda uu niyad jab weyni la soo darsay markii ay labada dhibcood ee kaliya ka heleen ciyaartii Norwich, hadana naadigu wuxuu diyaar u yahay inuu sii dagaalmo ilaa siidhiga u dambeeyaa dhacayo.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rummenigge Oo Diiday In Muller Kooxda Dibada Laga Dhigayo

Ander Herrera Oo Mar Labaad Ku Gacan Say-dhay Manchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: