Ceebtii Haysatay Barcelona Oo U Wareegtay Madrid Iyo Modric Oo Ku Biiray Xiddigaha Canshuur Lunsiga Loo Haysto

Modric

Kadib markii ay dhawaan daabacday eedeymo ka dhan ah Cristiano Ronaldo, Jose Mourinho iyo Mesut Ozil, shabakada ciyaaraha ee gobolka Catalan ka ee El Mundo ayaa hadana markale waxay sheegaysaa  in shabkada sirta ciyaaraha faafisa ee Football Leaks ay la wadaagtay in ciyaaryahan kale oo Real Madrid ahi uu cashuur xadis sameeyay.

Luka Modric ayaa tan iyo marku ku soo biiray Los Blancos xuquuqda sawiradiisa ka diiwan galiyay Luxembourg iyadoo xaaskiisa Vanja uu u magacaabay maamulaha shirkada sidoo kalena wiilkiisa Ivano uu ka dhigay hanti dhowrkiisa si ay uga hortagaan dakhli cashuureed xoogan oo ka bixi lahaa.

Waxaa la aamisan yahay in Modric uu hantidiisa u wareejiyay wadanka yar ee ku yaala badhtamaha yurub si uu u ugu raaxeysto cashuur bixin aad u yar iyadoo shirkadaha cashuuraha wadankaas aad kula raaxeysan karto ugu yaraan cashuur bixin ka bilaabaanaysa  “Ebar” halka uu gudaha Spain ku bixin lahaa boqolkiiba 30 cashuur ah ugu yaraan, ugu badnaana  51%.

Inaanu cashuur ka bixin wadanka uu ka shaqeeyo ayaa keeneysa in maamulka cashuuraha wadankaasi ay bilaabaan baadhitaan ka dhan ah xidiga oo loo heysto inuu cashuur xadis badan sameeyay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2014.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona 4-0 Mönchengladbach

Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gool-dhalinta Premier League.?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com