Cesc visits Barca Stars: Fabregas Oo Booqday Barcelona & kulankii Messi iyo Pique + Sawirro

BARCA1

Xiddiga Cesc Fabregas ayaa kula kulmay sawirro-na kula galay Lionel Messi iyo Gerard Pique albaabka hore ee Casino de Barcelona ee magaalada Barcelona badhtamaha habeennimadii Axadda.

Kadib markii ay dhamaatay 11 ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay Barcelona badinaysay dhamaan horyaallada, isla markaana ay jallaafo adag u dhigtay Malaga oo garoonka Camp Nou ku garaacday 0-1, waxa ay xiddigaha Barcelona ee Lionel Messi iyo Gerard Pique saq dhex u baxeen dibedda iyagoo kulan la yeeshay Fabregas oo booqday magaaladiisa iyo kooxdiisii hore oo u safraya wadanka Ingiriiska oo ay kula ciyaari doonaan Manchester City lugta hore ee Champions League ee marxaladda 16ka.

Sawirro ayaa la qaaday Messi iyo Pique oo la socda Cesc Fabregas oo si aan la shaacinin ugu laabtay magaalada iyo kooxdii uu ka tegay, waxaana la sheegayaa in uu halkaas u tegay si uu talooyin iyo khibrad uga siiyo laacibiintaa Barca kooxda ay booqanayaan ee Manchester City.

Xiddigaha Barcelona oo Isniinta maanta ah u socdaalay wadanka England ayaa waxa ay rajaynayaan in ay guul kala soo noqdaan, iyaga oo iska maydhaya guul-darrada aan laga filaynin ee Sabtidii gaadhay.

Labada ciyaartoy ee Messi iyo Pique ee la kulmay Cesc ayaa waxa lagu eedeeyey ciyaartii Sabtidii in aanay si fiican u ciyaarin, iyadoo saxaafadda sida Sportsmail ay ku eedeeyeen in ay tamashle u dhex joogeen garoonka.

Kulankii Sabtida waxa uu tababare Enrique safkiisa weerarka ka wada ciyaarsiiyey Messi, Neymar iyo Luis Suarez oo ay difaacyahannada Spain ku dawakheen sidii ay u xidhi lahaayeen, hase yeeshee kulankaas waa ay shaqayn waayeen.

Kooxda ay Barcelona la ciyaarayso ee Manchester City ee uu wato macallinka weyn Manuel Pellegrini ayaa waxa ay kulankoodii Sabtidii gaadheen guul ay ku farxeen taageereyaashu iyagoo ku badiyey 5-0. Waxa kulankaas si fiican uga dhex muuqday Silva iyo Aguero oo goolal dhaliyey.

 

Barca 2

barca3

barca 4

Barcelona at England

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Video: Nani Oo Ooyeya Intuu Gool Qurux Badan Dhaliyey

WAR DEGDEG AH: Hazard Oo Heshiis La Galay Gladbach, kana tegaya Chelsea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com