3:16 pm - Friday January 20, 4473

Champions League Draw: Isku Aadka Oo Mar Dhow bilaabmaya Iyo Wufuuddii Oo Nyon Ku Sugan

235 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Champions League Draw: Isku Aadka Oo Mar Dhow bilaabmaya Iyo Wufuuddii Oo Nyon Ku Sugan

Waxa magaalada Nyon wada yimid dhamaan wufuuddii ka socotay kooxaha Real Madrid, Barcelona, Juventus iyo Bayern Munich iyo saraakiisha xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, kuwaas oo ka qayb galaya xafladda qori-tuurka loogu samaynayo kooxahaas.

Xafladdan oo bilaabmi doonta 12:30pm ayaa waxa lagu samayn doonaa qori tuur la isugu beegi doono afartan kooxood min laba kuwaas oo tartanka Champions League marxaladda afarta kooxood ee u dambeeya isugu soo hadhay.

Waxa kale oo xafladdan ka qayb gelaya afarta kooxood ee Sevilla, Dynipro, Napoli iyo Fiorentina oo xalay u soo baxay afarta kooxood ee u dambeeya ee tartanka Europa League, kuwaas oo iyagana min laba la isugu hagaajin doono.

Haddaba, shabakadda www.cadalool.com oo ay ka go’an tahay soo tebinta ciyaaraha tooska ah, falanqaynta iyo wararkii u dambeeyey ayaa waxay si toos ah idiinku soo tebin doontaa xafladdaas, waxaanay ka daawan doontaa Computerkaaga adigoo jooga xafiiskaaga, gurigaaga ama meel kale oo aad ka heli karto Internet.

Ha moogaan in aad nala socoto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Somalia: Xidhiidhka Kubadda Cagta Oo AMISOM Ka Dalbaday Inay Ka Guuraan Garoonka Muqdisho Stadium

Allah Ayuun Baa Garan Karaya Masiibaddii Ku Dhacday Brazil Koobkii Adduunka – Pele

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com