Champions League: Garsooraha dhexdhexaadin Doona Real Madrid iyo Atletico Madrid Oo La Shaaciyey

Xidhiidhka kubadda cagta ee UEFA ayaa shaaciyey in garsooraha u dhashay wadanka Serbia ee Milorad Mazic uu dhexdhexaadin doono ciyaarta habeenimada Salaasada dhex mari doonta Real Madrid iyo Atletico Madrid ee Champions League.

Mazic ayaa waxa kaaliyeyaal u noqon doona Milovan Ristic iyo Dalibor Djurdjevic oo calan-wadeyaal ah iyo Dejan Petrovic oo noqon doona sarkaalka beddelka u qaabilsan.

Ciyaartan ayaa u noqon doonta Mazic kulankii toddobaad ee tartanka Champions League ee sannadkan uu dhexdhexaadiyo iyo waliba ciyaartii labaad ee Real Madrid ay leedahay ee uu ka garnaqo.

Mazic oo ay da’diisu tahay 42 jir, ayaa hore u soo dhexdhexaadiyey kulankii Hormada ee Reeal Madrid ay 1-0 ku garaacday FC Basel, iyadoo uu goolkaasna u dhaliyey Cristiano Ronaldo.

Mazic ayaa lagu tilmaamay garsoore habaar ku ah kooxaha guryahooda jooga, iyadoo lix ka mid ah ciyaarihii uu ka garnaqay sannadkan laga badiyey naadiyadii garoomadooda joogay.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Murugada Dhaawac Halis ah Oo Gaadhay Musacchio Oo Ruxay dalka Spain – Video

Xiggaha Dhaawaca iyo Ganaaxa Kaga Maqnaanaya Champions League toddobaadkan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com