Champions League: Kooxaha U Gudbay Wareegga 16-ka, Kuwa Rajaynaya, Kuwa Tegay Europa League Iyo Filashada Kuwa Kale

Wareegga koowaad ee hormooyinka tartanka Champions League ayaa ku dhow dhamaad, waxaana xaqiijiyey inay u gudbeen wareegga 16-ka kooxo dhawr ah oo kaliya ku daggaallamaya kaalinta koowaad iyo ta labaad.

Lix kooxood ayaa Salaasadii xaqiijiyey inay si toos ah ugu gudbeen wareegga 16-ka, kuwaas oo kulanka u hadhay ku hirdami doona kaalinta koowaad oo kaliya.

Kooxaha Soo baxay: Bayern Munich, Beşiktaş, Manchester City, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Tottenham Hotspur ayaa ah lixda koox ee ilaa haatan xaqiijiyay booskooda wareega 16ka ee tartanka Champions League.

Kooxaha Rajaynaya inay soo gudbaan: Atlético Madrid, Barcelona, Basel, Benfica, Chelsea, CSKA Moskva, Juventus, Leipzig, Liverpool, Manchester United, Napoli, Olympiacos, Porto, Qarabağ, Roma, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Spartak Moskva iyo Sporting CP ayaa dhamaan rajo ka leh in ay gaadhaan wareega 16ka ee tartanka Champions League.

Kooxaha ku dhamaysanaya kaalinta saddexaad ee iska xaadirinaya tartanka Europa League: APOEL, Anderlecht, Borussia Dortmund iyo Celtic ayaa si toos ah u tegi doona tartanka Europa League, kaddib markii ay xaqiijiyeen in kaalinta saddexaad aanay cidi ku haysan.

Kooxaha aan rajada lahayn: Kooxo badan ayaa ku laaban doona dalalkooda isla markaana ka bixi doona tartamada Yurub marka ay kaalinta afraad ku dhamaystaan groupyadooda, waxaana illaa hadda ay u caddaatay inay rajo beel noqdeen naadiyada Feyenood, Maribor iyo Monaco, hase yeeshee naadiyo kale oo badan ayaa ku xigi doona oo rajadoodu dhimanaysaa Arbacada.

Xogo Muhiim ah:

11 December: Waxaa la sameynayaa isku aadka wareega 16 ka

13/14 & 20/21 February: waxaa la ciyaari doonaa lugta koowaad ee wareega 16ka.

6/7 & 13/14 March: waxay naadiyadu foodda is dari doonaan lugta labaad ee wareega 16ka,

16 March: waxaa la sameynayaa isku aadka Quarter-final

3/4 April: waxaa la ciyaarayaa lugta hore ee Quarter-finals,

10/11 April: waxaa lasoo gabagabeyn doonaa lugta labaad ee Quarter-finals

13 April: waxaa la sameynayaa isku aadka Semi-final iyo final

24/25 April: waxaa la ciyaarayaa lugta hore ee Semi-finals

1/2 May: waxaa la ciyaari doonaa lugta labaad ee Semi-finals

26 May: Final waxaa lagu ciyaarayaa (NSK Olimpiyski, Kyiv) ee dalka Ukraine.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaartoyga Sevilla Oo La Ogaaday Inay Badbaadinayeen Tababarahooda Oo La Ildaran Xanuunka Halista Ah Ee Kansarka

Harry Kane Oo Sheegay Inay Isku Diyaarinayaan Wacdaro Cusub Oo Ay Ka Dhigaan Horyaalka Yurub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com