Kaddib bixitaankii laacibka khadka dhexe ee Oscar oo ay Shanghai SIPG oo laga leeyahay China ku iibsatay lacag dhan £60million, waxa Chelsea kusoo kordhay culays kale oo ah inay ciyaartooyo kale ka tegayaa.

Sida ay warbaahinta Ingiriiska ee ciyaaruhu qoreen caddadkoodii Axadda, waxa jira dhawr ciyaartoy oo ka niyad jabay saamiga ay ka helaan shaxda kooxda ee ciyaarta maalin walba.

Branislav Ivanovic: Difaacyahankan ayaa ka baxay daaqadda markii uu tababare Cante la wareegay shaqada Chelsea, umana ekka inuu dib ugu soo noqonayo, maadaama ay u muuqato in laga raystay oo 11 ciyaarood oo xidhiidh ah ay buugga taariikhdeeda gashatay Chelsea intii uu ka maqnaa Ivanovic. Kooxda Juventus ee ka dhisan waddanka Talyaaniga ayaa la sheegay inay xiisaynayso inay la wareegto halyeygan wakhtiga badan u huray Chelsea.

John Obi Mikel: Kumaba jiro liiska ciyaartooyada Conte u qorshaysan inuu ciyaarsiiyo, waxaana uu wakhti badan ku qaatay waddankiisa Nigeria xili kooxdiisu ciyaarayso kulamo muhiim ah oo tartanka Premier League ka tirsa. Shaki kuma jiro in uu tegayo, waxaana dalabyo uu ka helay kooxo ka dhisan waddanka China iyo naadiga Fenerbahce ee waddanka Turkey.

Cesc Fabregas: toddobaadyo ka hor ma jirin wax ifafaale ah oo muujinaya inuu sii joogayo Chelsea, laakiin kulamadii u dambeeyey oo uu qayb weyn ka qaatay guulihii kooxda iyo daqiiqado ciyaarta laga siiyey, waxay u egtahay inuu helayo kalsoonida tababare Conte, laakiin sida ay wararka suuqu sheegayaan, waxa uu kusii jeedaa kooxo kale oo Talyaani iyo Shiine ba noqon karaya.

Ruben Loftus-Cheek: Wuxuu qayb ka yahay ciyaaryahannada kooxda heerka koowaad, laakiin lama ciyaarsiiyo, waxaanu heli karaa fursad uu kooxda kaga tago.