Chelsea iyo Everton Oo La Ganaaxay

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Ingiriiska ee magaciisa loo soo gaabiyo ‘ the FA ‘ ayaa Anshax marin darteed ganaax lacageed oo dhan midkiiba £30,000 ‘ Soddon kun oo lacagta Ingiriiska ah’ dusha uga tuuray kooxaha Chelsea iyo Everton kadib mashaqadii iyo nidaam xumadii ka dhacday ciyaar ay wada yeesheen labada naadi bishii ina dhaaftay ee February 11 keedii.Chelsea iyo everton oo la ganaaxay 1
Kooxda Chelsea ayaa kulankaas oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge ku badisay 1-0 kaas oo uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyey ciyaaryahan Willian, laakiin falka ganaaxa sababay ayaa dhacay daqiiqadii 86 aad ee ciyaartaas.
Labada kooxood ayaa lagu eedeeyey inay ku guuldaraysteen xakamaynta ciyaaryahanadooda iyo ta naftoodaba una dhaqmeen si foolxun oo ka baxsan anshaxa wanaagsan.Chelsea iyo everton oo la ganaaxay
Xukunka ayaa Chelsea u raaciyey in ciyaaryahanadeedu ku buuqeen oo ku soo urureen garsoorihii ciyaarta ama abuureen iska hor imaad ay u dhamaayeen.
Chelsea iyo Everton ayaa labaduba qaatay oo aqbalay ciqaabta la saaray sidoo kalena digniin loo raaciyey tilmaamaysa inay ganaax kale oo culus la kulmi doonaan haddii ay ku waantoobi waayaan intan imika la saaray.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Adam Johnson Oo Xabsiga Loo Dhigay Kufsi

‘Di Maria Fool-xumo Darteed Ayay Real Isaga Iibisay’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com