Chelsea Iyo Madrid Oo Si Dirqi Ah Ugu Gudbay Semi-Finelka Horyaalka Yurub

Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa si dirqi iyo tu xun ah ugu soo baxay wareega afarta ee horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, kadib markii ay caawa tartanka ka saareen naadiyada PSG iyo Dortmund.

Naadiga Chelsea oo lagaga soo adkaatay kulankii hore ee la joogay garoonka kooxda Fransiiska ah ee PSG 3-1 ayaa ku gaadhay gurigeeda natiijo 2-0 ah oo kala dhashay labada qaybood ee ciyaarta, halka Madrid oo guushu 3-0 ku soo raacday Arbacadii hore ee Germalka la joogay caawa lagaga adkaaday 2-0.

Soccer - UEFA Champions League - Quarter Final - Second Leg - Chelsea v Paris Saint-Germain - Stamford BridgeMourinho ciyaaryahanada uu horkaco ee The Blues ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u adag una qurux badan , laba gool oo ay kala dhaliyeen weeraryahanadeeda Andre Schurrle oo -shabaqa lulay daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta iyo Demba Ba oo gunaanadkii ciyaarta goolka badbaadada dhaliyey ayaa rajo tiray kooxda ay ka jeeday ee PSG iyo celceliska goolasha oo noqday 3-3 laakiin shabaqa Chelsea ee garoonka Stanford Bridge oo nadiif ahaa u suurto galliyey inay iyadu noqoto kooxda Gudubtay.

Real Madrid ayaa iyadu ku dhamaysatay ciyaarta difaac , halka Borussia Dortmund oo weerar ahayd ay u suurto gashay inay dhaliyaan 2 gool, kuwaas oo uu dhaliyey weeraryahankeeda Marco Reus (24-37). laakiin Naadiga Germalka ah ayaa ku hadhay gooldheeri maadaama kulankii gurigooda la joogay lagaga soo badiyey 3-0.

Baroortii ROnaldoKooxda Madrid ayaa iska lumisay fursad Rigoodhe loogu dhigay daqiiqadii 17 aad ee ciyaarta , kaas oo uu khasaariyey Di maria.

Chelsea iyo Madrid ayaa noqonaya labada kooxood ee u gudbay wareega 4 ta ee horyaalka Yurub , iyadoo habeen dambe la sugayo Ciyaaraha Atletico Madrid ? – ? Barcelona oo celceliska hore yahay (1 – 1) iyo Bayern Munich ?-? Manchester United oo sidoo kale celcelis (1-1) ah sii haysta.